Home » somali news »

Ganacsato Soomaaliyeed oo lagu dilay dalka Koonfur Afrika

Dalka Koonfur Afrika ayay wararka ka imaanaya waxay sheegayaan in  gobolka String Cape in labo ganacsato soomaali ah xalay lagu dilay gobolkaasi, waxaana sidoo kale halkaasi lagu dhaawacay kuwo kale.

Labada nine e Ganacsatada ah ee xalay la dilay ayaa  lagu kala magacaabi jiray Maxamed Xuseen Maxamed iyo Xasan Cusmaan Caraaye, iyadoo sidoo kale halkaasi lagu dhaawacay Muqtaar Daa’uud Cilmi iyo Cabdi Nuur uu dhaawac halis ah ka soo gaaray falkii ay kula kaceen kooxo hubeysan oo aan la garaneyn.

Dilka iyo dhaca  kula kacayaan kooxaha hubeysan ee u dhashay dalka k/afrika  ganacsatada Soomaaliyeed ee ku sugan k/afrika ayaa ahaa maalmahaan dambe kuwo soo xoogaysanaaya, iyadoo dilalka loo gaysanaayo dadka Soomaaliyeed ee ku ganacsada Dalkaasi uu noqday mid caadi ah.

Sidoo kale  doraad  ayey aheyd markii ay kooxo hubeysan dil ugu geysteen marxuum Ganacsato Soomali ah oo ay ku dileen tuulo hoos timaada magaalada Cape town ee dalka k/ Afrika


Share

" /> waad ku mahad santahay booqashada webka ilays.com //<:. <>thank you for taking the time to visit our website/ilays.com
lagala soo xiriira// ilaysnews@gmail.com

Bookmark and Share

Comments/ Fikradaha Akhristayaasha

Please publish your comment once, do not reload same comment. Thanks.