asmaul-husna

waqtiga-salaada1-300x2251

02f5f8e5-0c64-44fe-bd48-26d8abaa6ba3

google
Mohamed_Abdullahi_Farmajo_(cropped)

12

Home » somali news, tacsi »

alaha u naxariistee waxaa shalay geeriyootay hoyadii loogu magac daray balad xaawo

Allaah ha u naxariistee waxaa shalay geeriyootay Maama Haawo oo soomaalida dhamaan ay si aada u wada garanayaa maadaama ay ahayd shaqsi taariiq kog ku dhex leh shacabka Soomaaliyeed.

Maama Xaawo ayaa waxa ay ahayd maamadii loogu magac daray Deegaanka dagmada Baled Xaawo ee Gobolka gedo ayaa warar aan goor dhaw helnay sheegayan inau ku geeriyootay gurigeeda oo ku yaal isl deegaankaa iyada loogu magac daray.

Marxuumad Xaawo Cali Gurey oo da´adeeda lagu sheegay inay ahayd 100 sano ayaa qaar ka tirsan dad qaraabo la ah waxa ay xaqiijinayaan inay caawa fiidkii xiliga magalaada baled xaawo ku geeriyootay gurigeeda, iyada oo dadweynaha ku dhaqan deegaansi ay caawa aad uga murugaysan yihiin geerida naxdinta leh ee ku timid marxuumada.

Degmada Baled Xaawo waxa ay ku taal Gobolka Gedo waana magaalada labaad ee Gobolka gado uu lee yahay ee dalka Soomaaliya, deegaanka degmada oo aahaa markii hore meel keyn ah ayaa waxa ay Maama Xaawo go aan satay inay iyadu dagto waxa ay ka dhisatay aqal yar oo ay ku noolaato, inkasta oo inta ay iyada kaligeed daganayd ay dadka deegaanada kale dagan ay degmadaa ugumagac dareen Buulo Xaawo oo marka la sii macneeyo noqonaya Gurigii Xaawo.
Xaawo Xuseel Calöi Gurey waxa ay xiligii qarniga 20 aad dagtay Magaalda haatan weynaatay ee wadnaha ganacsi u noqtay degmooyinka uu lee yahay Gobolka Gedo, iyada oo mar kii ugu horeysay ee dowladdii Soomaaliya ay timaadayna munaasabad ahaan ay ugu mgacdareen degmooyinka uu yeelanayo Gobolka Gedo degmada Baled Xaawo ama sidaad rabtaba dhehe Buulo Xaawo oo dhamaan macna ahaan ay isugu imaanayaan Gurigii Xaawo.

dhawaan aya alagu wadaa isl adeegaankaa ina lagu aaso allaha u naxariistee maama xaawo Xuseen cali Gurey oo ay hayd maamadii loogu magac daray Degmada beled Xaawo ee Gobolka Gedo ee dalka Soomaaliya.

soomaaliya waa kuu jeedaa

waad ku mahad santahay booqashada webka ilays.com //<:. <>Thank you for taking your time our website/ilays.com
lagala soo xiriira// ilaysnews@gmail.com

Arligaa la kala boobayaa, nin u itaalroone, Waa dal la kala iibsaday oon, nala ogeysiine Waa dal akhyaartii lahayd iib kudoon tahaye, Waa dal ninkaad aamintaa, kuu abees yahaye Bookmark and Share

to me :