ururka wadajirka soomaaliyeed

maths

Home » somali news »

dagaal lagu hoobtay oo ka dhacay gobolka mudug

20-qof oo dhinacyadii dagaalamayay u badan ayaa ku dhintay dagaal maanta dib uga qarxay deegaanka Dheg-tuur ee gobolka Mudug, dagaalkaasoo u dhexeeya beelo walaalo ah ayaa waxaa ku dhaawacmay ugu yaraan 30-qof oo kale.

Dagaalkan ayaa daba socday dagaallo beelahan laba casho ka hor ku dhexmaray isla deegaankaas, iyadoo dagaalka illaa hadda uu ka soconayo deegaannadii uu saakay ka qarxay, mana jiraan cid kala dhexgashay beelaha diriraya.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in dadkii ku noolaa deegaanka lagu dagaalamay ay bilaabeen inay halkaas isaga cararaan si aysan waxyeello uga soo gaarin rasaasta ay labada dhinac isdhaafsanayaan.

“Dagaalka maanta waa mid aad uga culus kuwii hore, waxaana dhinacyadu ay isku adeegsanayaan madaafiic iyo hub culus,” ayuu yiri goobjooge ku sugan deegaan ku dhow midka lagu dagaalamayo oo la hadlya warbaahinta.

Wararka ayaa waxay sheegayaan in dhaawacyadii ka dhashay dagaalka maanta iyo maydadkii ku dhintay qaarkood la gaarsiiyay isbitaallada magaalooyinka Gaalkacyo iyo Cadaado oo ay labada beelood kasoo jeedaan.

Madaxweynaha maamulka Ximin iyo Xeeb Maxamed Aadan Tiicey oo ku sugan Muqdisho ayaa sheegay in dagaalkaas ay hurinayaan dad aan doonayn in nabad ay ka dhalato Soomaaliya, isagoo sheegay in maamulkiisa iyo maamulka Galmudug aysan dagaalkaas ka dambeyn.

Ugu dambeyn Tiicey wuxuu sheegay in maamullada Ximin iyo Xeeb iyo Galmudug ay qaadi doonaan tallaabooyin ay ku horjoogsanayaan dagaalkaas, ayna isaga iyo Col. Caalin ka wada-hadleen dagaallada soo laalaabtay ee ka dhacaya Dheg-tuur.

Arligaa la kala boobayaa kala itaal roone,Soomaaliya waa dal la kala iibsaday oon nala ogeysiine,Waa dal Akhyaartii lahayd iib ku doon tahaye,Waa dal ninkaad ku aamintaa kuu abees yahaye.

/>" />" /> waad ku mahad santahay booqashada webka ilays.com //<:. <>thank you for taking the time to visit our website/ilays.com
lagala soo xiriira// ilaysnews@gmail.com

Bookmark and Share

to me :