CIID WANAAGSAN

maths

Home » somali news »

agaasimihii idaacada shabeele oo lagu dilay muqdisho

wararka naga soo gaaraya magaalada muqdisho ayaa  sheegaya in Labo nin oo Bastoolado ku hubeysan ayaa galabta  Xaafada  degmada Wadajir  waxa ay ku dileen alaha u naxariistee Agaasimihii Warbaahinta Shabelle Xasan Cusmaan Cabdi (Fantastic).(

Alla ha u naxariistee Xasan Waxaa lagu hordilay gurigiisa, waxaana uu 30 daqiiqo ka hor ka tagay xarunta Idaacada Shabelle, iyadoo kooxihii falkaasi dilka ah u geystayna ay durba goobta isaga baxsadeen.

 Macada cida ay ahaayeen Kooxaha dilka gaystay, waxaana maydka Agaasimaha uu yaalaa Isbitaalka Madiina oo dhaawac ahaan loo geeyay balse markii dambe uu halkaasi ku geeriyooday.

 Xasan waxa ay da’diisu aheeyd 29 ilaa 30 jir waxaana uu ka tagay hal Xaas iyo sedax caruur ah oo kala ah labo gabdhood iyo hal wiil, waxaana uu Shabelle u soo shaqeeyay in ka badan 4 sano.

 Alla ha u naxriistee Xasan Cusmaan, waxa uu ahaa nin si wanaagsan ula dhaqmi jiray bulshada, waxaana uu aad u caawin jiray dadka dhibaateysan, isagoo si weyn uga qeyb qaatay caawinta dadka abaaruhu ay saameeyeen ee Muqdisho ku dhibaateysan.

 Dhinaca kale dilka Agaasimaha Shabelle ayaa waxaa cambaareeyay Dhamaan Wariyaasha Shabelle oo falkaasi ku tilmaamay mid guracan, iyagoo alle uga baryey in uu janada ka waraabiyo

/>" />" /> waad ku mahad santahay booqashada webka ilays.com //<:. <>thank you for taking the time to visit our website/ilays.com
lagala soo xiriira// ilaysnews@gmail.com

Bookmark and Share

to me :