Home » somali news »
Maxaa sababay in dhaliyarada soomaaliyeed ay dayacmaan?
Print here|
By: ilays.com:
Friday, January 27, 2012 //
Hakaan waxaan waxyar ka ifinaynaa dhibaatada iyo dayacaada ku timid ubadkii soomaalyeed ee dunida iyo dalka ku dhibaataysan, hadii aan ku bilawno su, aasha maxay dhaliyarada soomaaliyeed u samaynayaan danbiyada sida burcad badeednimo , qafaalasho, tahriib , iyo burcadnimada,?
su,aashaas jawaabteeda nin rag ah waa ogyahay doqona loo sheegi maayo , balse waxyar ayaana ka taabanaynaa , suaasha u horaysa oo aan is waydiinayno waxaa ay tahay imisa maalmood ayuu qofku GAAJO iyo OON ku gaari karaa? jawaabtu waa GAAJOwaa 5 bari OON KUNA 24 SAACADOOD wixii ka danbeeye waa geeri, hadaba dhaliyarada soomaaliyeed ee ku sugan wadanka soomaaliya waxaa ay GAAJO iyo nabadgalyo daro ku soo jireen 21 sanadood ,qofka aadamaha ahi manoolaankaro hadii uu san haysan wax uu cuno iyo wax uu cabo, shalinyarada soomaaliyeed waxaa la gooyey geedkii ay harsan lahaayeen oo ah dawladii soomaaliya , soomaaliduna waxaa ay ku maahmaahdaa nin gawracan geedo kama waabto, mahaystaan dhalinyada soomaliyeed fursad aan ahayn inay wax afduubaan maadaama ay san haysan dawlada iyo daryeen intaba, dhalinyarada soomaliyeed kii aan burcad noqon waxa uu waayey nabad galyo oo waxaa afduubtay shabaab oo gacmaha iyo ligaha kajaraya,kii kanabad gala shabaabna waxaba dilaya gaajo iyo col , mida kale dhaliyaradii ka kaluumay san jirtay badahana waxaa shabaakadihii latagay maraakiib shishiiye , waxaana maalin walba ladila kuwo kaluun bada u doontay badaha ,dhalinyaradii soomaaliyeed waxaa ay dantu baday inay u tahriibaan wadama kale oo u dhaama wadankii ay ku dhasheen oouu badalku ku cunay, waxaa badaha aduunka ku dhamaaday kumaankum dhalinyaro soomaaliyeed walina waa socdaan, waxaa kale oo arin lala yaaba ah saxaafada foosha xun ee aduunka lagu qoray ubadka soomaaliyeed inay yihiin dugaag ayadoo la ogyahay waxa sababay in dhalinyaradu ay falakaan gaystaan. dhiliyada soomaaliyeed soomaaliyeedwaxaa lagu sawiray inay yihiin duli aan waxba ka xishoon , arinkuna waxaa uu la midyahay nin la dilayo oo layiri hataahin , ugu danbayntii qoraalkayga waxaan ku soo gabagabynaa waxa ay samaynayaan dhalinyarada soomaaliyeed waxaa sabab u ah dawalad la, aanta ka jirta soomaaliya .