Soomaaliland oo si buuxda u qaadacday wadahadalkii ay la lahayd koofurta soomaaliya wasiirka arimaha dibada ee soomaali land maxamad c/laahi cumar oo warbaahinta u waramayey ayaa xaqiijiyey inay isaga baxeen wadhadalkii la doonayey in ay ku wada hadlaan koofurta iyo woqooyigu, wasiirka ayaa ku macneeyey sababaha keenay inay qaadacaan shirka ayuu ku sheegay in wadahadalku uu u dhaxeeyo dawlada soomaali land iyo dawlada soomaaliya balse uu madaxwayne sheeq sheriif uu ku soo daray xubnood oo reer soomaali land ah , wasiirka oo hadalkiisii sii wata ayaa yiri anagu lahadlimayno beel ama dad qaas ah, ee waxaanu lahadlayanaa dawlada wakiilka ka ah koofurta soomaaliya , wasiirka ayaa ka dhawaajiyey laba xubnood oo lagu soo daray gudiga inay ka soo jeedaan somaliland taasoo loogu soo daray in la carqaladeeyo shirka , wasiirka hadaladiisiina waa kan dhagaysi wacan.
dhagayso[audio:http://www.ilays.com/online/wp-content/uploads/2012/04/waraysi-bbc.mp3|titles=waraysi bbc]


















