Home » somali news »
Home » somali news »
wararka naga soo gaaraya magaalada muqdisho ayaa sheegaya in la geeyey 9 nin oo soomaali ah oo la ga soo tarxiilay wadanka maraykanka, nimankaan ayaga ah ayaa waxaa lagu soo eedeeyey inaysan haysan wax sharci ah oo ay ku joogeen wadanka maraykanka , waasiirka arimaha gudaha iyo qaranka DKM C/samad macalin maxamuud oo u waramay saxaafada ayaa sheegay inay safaarada markanka ee kenya ay nala soo xiriirtay noona soo gudbisay qoraal ay kaga warbixinayso nimankaas maxaabiista ah oo ay ku doonayso in nimankaas lagu soo celiyo wadanka soomaaliya, DKM ah ee soomaaliya ayaa si cad heshiis ula gashay dawladaha doonaya inay soo celiyaan dadka soomaaliyeed ee qoxootini mada loo diiday, dalka soomaaliya ayaan hada ka jirin nabad iyo nolol layku halaynkaro maadaama ay dawladu dagaal kula jirto kooxaha ka soo horjeeda , waxaa gaf ah in DKM ay heshiis la gasho dowlahada doonaya inay soo tarxiilaan dadka soomaaliyeed maadaama aysan u hayn wax u dhaama halka ay qoxootiga ku yihiin.