asmaul-husna
madaxwayne farmaajo SHEPPARD

Home » faaqidaada, somali news »

cibaadadu istustus ma, ahan

halkaan waxaanu kaga hadlaynaa  in cibaadadu alle  iyo sida ay qaas ugu tahay  in loo samaeeyo  ilaahay dartiis iyo si ay ku jirto daacadnimo, ilaaha subxaana watacaala waxa uu quraan ka ku sheegay ayaadatan (وَمَا أُمِرُوا إِلَّا لِيَعْبُدُوا اللَّهَ مُخْلِصِينَ لَهُ الدِّينَ  taasoo macnaheedu yahay( Dadkana waxaan Eebe caabudidiisa ahayn lama farin iyagoo u keli yeeli Eebe diinta) ilaahayna waa ogyahay waxa qalbiyadiina ku jira, hadaba  dhawaanahaan waxaa soo ifbaxayey in diinta ilaahay laga dhigtay mid dadka lagu qiyaamo , dad badan ayaa waxaa ay bulshada tusayaan inay yihiin kuwo ahlu diin ah oo safka hore uga jira cibaadada , balse xaqiida taasi waa ka fogtahay,ma, ahan inaad sheegto sheegtoo inaad tukato, ma, ahan inaad  sheegsheegto inaad sooman tahay,ma , ahan hadii  aad wax bixinayso inaad  marbaahinta iyo saxaafada usoo bandhigto wixii aad bixisay,karaama kuma heleysid ,waxaad u samaysay halagaa sheego ajarna kama helaysid,markaad wax bixinayso waxaa lagaaga baahanyahay in  gacanta midig oo aah ku bixisay sadaqada inaysan ogaan gacanta bidix, umada muslimka ah waxaa looga baahan yahay in ayka digtoonaadaan cibaadada istustus ka ah oo   uu shaydaanku hogaanka u hayo, arimaha aad sida aadka ah ulayaab ayso ayaa ka mid ah in nin wariye ah  oo barnaamij aqrinayey uu u sheegay dadkii   caalamka ka dhagaysanayey inuu tukanayo , taaso ku cad inuu doonayey in  umada dhagaysanaysa ay u arkaan inuu yahay qof wanaagsan oo ahlu salaad ah,  hada waxaad ogaataa inuusan ilaahay dan kalahayn dharka aad xirantahay iyo ficilka banaan ka ku hayso ee rabigay waxaa uu dalacanayaa waxa qalbigaaga ku jira xumaan iyo samaan,waxaa kale oo umada aan ogayn loo sheegaya in masaajidku yahay meel cibaado oo kali ah loo qasyeelay oo aan looga hadli karin wax ku saabsan aduunka xadiith ayaa ahaa(man takalama fil masjid bikalamati dunyaa axbidha alaahu camaluhu 40 sana ama ilaa yowmal qiyama)macnaha oo ah qofkii majid gudihiis uga hadla waxan ahayn cibaadada alee camalkiisa lama aqbalo 40 sano culumada qaarkeen waxaa ay ku fasireen ilaa qiyaamaha, hadaba dad ayaa caadaystay inay masaajidka gudahiisa  kaga sheekaystaan  siyaasad, qabyaalad, xan, sport iwm, arintaas   halaga digtoonaado,waxaa kale oo xusid mudan dharka laxiraa ma ahan mid janada lagu galo ee waxaa ilaahay loogu dhawaadaa inaad latimaado wixii uu ku faray, ma , ahan inaad computarka gurigaaga yaala aad u isticmaasho inaad wax xun ku daawato  ama aad dad uga caydo ,ma ahan taleefankaaga aad habeen iyo maalin aad dad ku aflagaadayso ama ku xamato ama ku dumiso reer dhisan,ma ahan tv ga gurigaaga yaala  inaa ku daawato filimada xunxun , hadana subixii adiga oo sidii muumin u labisan dadka soo dhex gasho, haba ciwaanka qoraalkayga aan dib ugu noqdo(cibaadadu ma ahan istustus) cibaada la sameeyaa waa mid qaas u ah ilaahay asagaana garanaya waxaa aad tahay, ugu danbayn tii waxaan umada muslimka ah looga baahantahay in  laga fogaadaan qof qabiil kiisa lacaayo iyo ceebta qofka muslimka ah oo lafaafiyo rag iyo dumarba.

 qore maamulka ilays.com

waad ku mahad santahay booqashada webka ilays.com //<:. <>Thank you for taking your time our website/ilays.com
lagala soo xiriira// ilaysnews@gmail.com

Bookmark and Share

to me :