asmaul-husna
madaxwayne farmaajo qalbi-dhagax-

Home » maqaalo, somali news »

Maxaad kala socotaa xaalufka ku dhacay dalka soomaaliya

Tan iyo makii ay duntay dawladii dhexe ee soomaaliya 1991dii waxaa wadanka soomaaliya ka socday xaalufin balaaran oo dhanwalba ah, waxaa si isku mid ah loo  dabar goynayey  (dadka , dhirta, kaluunka, xoolaha la dhaqdo iyo duurjoogto, hadii aan sharaxaad gaaban ka bixino arimahaas, waxaa maalinwalba dalka soomaaliya ku dhinta isku celcelin  15 ruux  ama xabad ha disho ama dandaro kale ha ha disho , waxaana maalinwalba  dibadaha u cararayey 100 ruux, sidoo kale mawaadin kasta oo dalka ku dhinta boolkiisa waxaa buuxinayey mid khayrlaawe ah oo  afku u duuban yahay, waxaa sidoo kale xaaluf balaaran ku socday dhirtii, waxaa dalaka soomaaliya geeska gees cagta lamariyey dhirtii, waxaana laga dhigtay dhuxul, maalintii ay u yartahay waxaa dalka soomaaliya ka dhoofa ilaa 10 markab oo sida dhuxul  oo markabkiiba sido ugu yaraan 80 tan oo dhuxul ah, dadka dhuxusha jaranayana  waxaa ay u badan yihiin dad ajnabi ah  sida hada mida ka socota kismayo,  sidoo kale geedkasta oo lagooyo waxaa booskiisa lagu talaalayaa geedka loo yaqaano cali garoobka, geedka cali garoobka ayaa waxaa qaybwayn ka qaataa  nabaad guurka ku dhaca deegaanka , taasina waa nasiib daro kale, waxaa ayana xaalufin balaaran lagu hayaa  kaluunka ama malayga hadba kii aad u taqanaan , waxaa badaha soomaaliya si sharci daro ah  uga kaluumaysta maraakiib shisheeyey oo qaarkood ay saaran yihiin warshado, waxaa ay si arxandaro ah ay xaaqaan kaluunka iyo ukumihiisa, waxaana shabaakadaha ku baqtiiyaan kumaankum kaluunka, markii ay ka kaluumaytaan waxaa ay booskii kaluunka ku badalaan haamo sun ah,taasina waa nasiib daro kale, xoolaha nool hadii aan fiirino, dalka soomaaliya waxaa si aan gabasho lahayn loo dhoofiyaa xoolihii noolaa,ayada oo aan loo kala saarin lab iyo dhadig, waxaana lagu iibiyaa qaymo liita oo kontabaan ah, waxaa xoolaha soomaalida lagu baayacaa wax aan naf lahayn, markii ladoonan bada ayaa  daadiyaa, dalaaliin  soomaali ah ayaa si tuugo ah ku geeyo suuqyada bariga dhexe, neefkii soomaaliya ka dhoofana  dibdanbe  looma helo wax  buuxiya booskiisa, waxaa asna xaaluf balaaran ku dhacay duurjoogtii,  waxaa meelbwalba oo ay gashaba lagu dilay oo laga saaray ugaartii dalka soomaaliya, waxaa laga dhigay wax lacunay ayo wax la iib geeyey iyo wax cararay, waxaana maantay intii kahartay  daba tiray ciidamo afrikan ah  oo baahan,hadaba su,aashu waxa ay tahay  xaalufka ku dhacay soomaaliya ma mid iska yimidbaa  mise waa mid loogu talagay? jawaabtu waa xaalufka ku dhacay soomaaliya waa  mu,aamarad ah oo laga shaqeeyey oo loogu tala galay in dadka iyo dalka soomaaliyeed araxda looga jabiyo, hadaba maantay  waa kuwee kuwa ay  beesha caalamku ugu jecel yihiin dadka soomaaliyeed? dadka ay beesha caalamku ay sharafta u hayaan ee soomaalida ugu jecel yihiin  ayaa ah  kuwa ugu liita umada soomaaliyeed , dadka soomaaliyeed waxaa loogu neceb yahay ninkii waxgarad ah.

by xaashi 

waad ku mahad santahay booqashada webka ilays.com //<:. <>Thank you for taking your time our website/ilays.com
lagala soo xiriira// ilaysnews@gmail.com

Bookmark and Share

to me :