asmaul-husna
madaxwayne farmaajo qalbi-dhagax-

Home » maqaalo, somali news »

Ubadkii qurbaha u bukoow bal eega sida loogu ba, ay

Umada soomaaliyeed ee ku nool qurbaha ayaa waxaa ku dhacay dhaqan gadoon aad u foolxun, ubadkii soomaaliyeed ee ku dhashay qurbaha iyo kuwii la geeyey ayaa isa tagay dhamaan asyaahii lagu yaqaanay  dadka soomaalida ah , waxaana ay ku milmeen  dhaqamo ay leeyihiin dad yow kale, waalidiinta soomaaliyeed ee ku nool qurbaha ayaa waxaa la soo daristay nasiib daro aad u  wayn, waxaa ku dhacay  oo ka lumay ubadkii ay dhaleen,  jahwareerka ugu badan ee soo wajahay qurbajoogta soomaaliyeed ayaa ah wax la yiraahdo dhaqan wareer, waxaaiska hor yimid dhaqanka ay islmuhu rabaan iyo dhqanka ay waalidiintu wataan, ubadka  soomaaliyeed ayaa qaatay dhaqamo ay leeyihiin dadyow shisheeye, dhibaatada ku dhacday  qurba joogta soomaaliyeed  waxaa qaybqayn ka qaatay colaada ka dhaxaysa soomaalida, waalidiinta soomaaliyeed ee qurbaha ku nool malahan midnimo iyo mawaafiqo , guri kasta oo ay soomaali dagan tahay ee ku yaala qurbaha waxaa ka yeeraya  boohin, qofwalibana waxaa uu qarsanayaa jabka ku dhacay ubadkiisa,  dadka qaarkiis waxaaba ay ka caageen inay dagaan meel soomaali degan tahay, hadaba ubadkii soomaaliyeed ee u ku nool qurbaha  dhaqamada shisheeye midka ay ka qaateen ayaa ah dhaqankii ugu xumaa, waxaa ay mashaakil ku keeneen bulshooyinkii kale ay la noolaayeen, danbiyada   ugu badan ee ka yimaada dadyowga soogalootga ah ee ku nool qurbaha  waxaa   gaysta oo loo xiraa dhalinyarada soomaalida, hadii aad u dhaba gasho dhalin yarada soomaaliyeed waxaa kuu muuqanaya inay ka dhinteen maxkaxda iyo jismiga iyo dabeecada, waxaana dhamaan ka lumay astaamihii soomaalinimo, ubadka soomaaliyeed ee ku nool qurbaha ayaa waxaa ku qasaaray walidiintii dhashay , waxaa sidoo kale ku qasaaray dawladihii keenay dalkooda oo ku bixiyey qarashka,  bal wax ay ka helaan  iska daayoo waxaa ay ka buuxiyeen xabsiyadii, hadaba suaasha taagan ayaa ah maxay ka dheefeen dawlada ubadka soomaaliyeed geeyey dalalkooda? dad badan oo soomaali ah ayaa qaba in ubadka soomaaliyeed  ee ay dawladaha shisheeye ay dhuufinayaan inay rabaan inay  diintooda ku beeraan, arinku sidaas ma, ahan cunuga soomaaliyeed ee qurbaha ku nool  ma ahan wax abuuran mana ahan qof wax loo dirsan karo , diin warkeed daa ,waxa kaliya oo maskaxdoodu ku kici kartaa markii ay helaan game, waa ilmo uu kalumay dadnimadii, xataa hadii uu gaaro 40 sano isuma arko inuu yahay qaangaar, hada waa kuwee ubadka  soomaaliyeed ee ku fiican in la geeyo qurbaha kana faaiidaysan kara? waa ubadka ka wayn 16 jir, oo yaqaana afka iyo dhaqanka soomaalida diintana , helana waalid wanaagsan oo aan facebook lahayn oo la taliya, hadii cunug ka yar15 sano aad keento qurnaha  wixii ku dhaca waxaa masuuliyedeeda qaadaya waalidka dhalay, ugu danbayntii qurbaha waxaa yaala dhibaato ku habsatay ubadkii soomaaliyeed iyo dad waawayn oo shaqdoodu tahay inay is haaraaman oo ayagu isu muuqda.

 by xaashi

waad ku mahad santahay booqashada webka ilays.com //<:. <>Thank you for taking your time our website/ilays.com
lagala soo xiriira// ilaysnews@gmail.com

Bookmark and Share

to me :