asmaul-husna
madaxwayne farmaajo qalbi-dhagax-

Home » maqaalo, somali news »

haku diganin Nin ay dani hayso

Kenya RefugeesDadka soomaaliyeed qaarkood ayaa qofka dhaqaalaha yar waxaa ay  ula dhaqmaan siyaabo kala gadisan, dadka qaarkood waaba ay dulaystaan, waxaana ay  ugu yeeraan magacyo kala gadisan, inkastoo ay jiraan dad badan oo soomaali ah oo xilkas ah oo garanaya danta jirta, ,waayaha aduunku waa is daba socdaan, qofwalbana si ayey ku  soo martaa, mana jiro qof uu ilaahay kala balamay dhaqaalo la,aan, iyo  qof waligiis ku waaraya dhaqaalo,

Maantay qoraalkayga waxaa ku ee gayaa dad ay dani hayso iyo doqon uu jaabkeedu  qoyan yahay ,hadaba waa sedee hab dhaqanka dadka haysta dhaqaalaha ee ku gafaya dadka saboolka ah,? qofka calooshiis laciyaarka ahi  markii uu arko  qof danyar ah waxaa  uu u maleyaa in qofkaasi uu yahay qof nacas ah oo aan waligiis allaahay waxba siin  doonin , asaguna waxaa uu isu arkaa inuu yahay  qof  waligiis ladnaan ku jiri doona, kuwa calooshooda la ciyaarka ahi markii ay arkaan qof sabool ah waxaa ay u qaadataa in qofkaasu yahay qof habaaran oo ilaahay nacay, asaguna waxaa uu isu arkaa inay yahay qof uu ilaahay jecel yahay,  waxaan aragnay dad badan oo soomaali ah oo ay hayso busaarada iyo dhaqaalo yari oo ay ku xadgudbayaan ku uu jeebkoodu qoyan yihiin, doqomada jeebka  qoyan waxaa ay aad u soo shaac baxeen  25kii sano ee ay umadu ku dhacday dawlad la,aanta,soomaalida jeebka qoyan waxaa ay si xad dhaaf ah wax ugu dhimeen sharaftii dadka danyarta ahaa, hadii aan waxyar ka taabano gafafka ay sida joogtada ah ugu gaysanayaan dadka danyarta ah waxaa ka mid ah, inay  gabdho yar yar oo aan qaar ahayn oo ka soo jeeda qoysas danyar ah ay guursadaan hadana ay furaan isla todobaadkii,  xadgudub yada ay gaysteen doqomada jeebka qoyan halkaan laguma soo koobi karo, soomaalida kuwa u badan ee calooshoola laciyaarka ah ee sameeya falalkaas waxaa ay u badan yihiin qurbajoogta, waxaa jira dad badan oo qorbajoog ah  oo markoodii hore saboola ahaa oo marki ay  dhoofeen  is badalay oo sameeyey takabur aad  u badan, si kastaba ha ahaatee waxaan aragnay kuwii shalay  danyarta ku kibri jiray oo sabool noqday, iyo kuwii shalay saboolka ahaa oo maantay ladhan, ugu danbayntii waxaa loo baahan yahay inuu qof waliba uu ka fogaado  kibirka iyo isqaadka foosha xun ee aan kor ku soo sheegnay,waana uuna ogaado in waxa yar oo uu haysto uu aduunka uga tagi doono kana qaadan doono mara cad oo bafta ah hadiiba uu nasiibkiisu siiyo.ee kibirka laa kufaye kaa hala ogaado.

by xaashi

waad ku mahad santahay booqashada webka ilays.com //<:. <>Thank you for taking your time our website/ilays.com
lagala soo xiriira// ilaysnews@gmail.com

Bookmark and Share

to me :