asmaul-husna
google
Mohamed_Abdullahi_Farmajo_(cropped)

mawliid

Home » somali news »

maamulka Jabuuti iyo china oo boobaya khayradkii dalka soomaaliya

jabuuti iyo china boobayaWararka ka imaanaya gobolka awdal ee dalka soomaaliya  ayaa sheegaya in deegaanadaas uu ka bilawday bililiqo balaaran oo lagu boobayo khayradkii dalka soomaaliya,  waxaa gobolkaas ku soo duulay maamulka jabuuti iyo dalka china,waxaana si xoog leh loo lagunayaa macadntii ku jirtay deegaankas, maamulka jabuuti ayaa bililiqo aad u xoog badan ka wada deegaankaas, waxaa gudaha soomaaliya laga daldalyaa macadn aad u fara badan waxaana loo gudbinayaa gudaha jabuuti, si aan wararka ku helayno cambaniyo china ah ayaa qodaya ciida laga rarayo gudaha soomaaliya waxaana lagu warshadaynyaa gudaha maamulka jabuuti,ilaa 500 baabuur oo nooca iska rogaha ah ayaa lagu daldalayaa ciida laga gurayo gudaha wadanka soomaaliya, waxana maalinwalba gudaha soomaaliya laga qaadaa malaayiintan oo ciid ah ,deegaanka laga qodayayo macdanta bililiqada ah  ayaa waxyeelo dhanwalba soo gaartay, shacabka ku nool deegaanka toqoshi iyo dooxada bariisle iyo lawyacado  ayaa waxyeelo aad u abadn ka soo gaartay ciida lagurnayo, baabuurta faraha badan ee daldalaysa ciida ayaa cagta mariyeey dad iyo duunyo wixii ku noola deegaankaas, sidoo kale dhulkii waxaa laga jeexay boholo waawayn oo aysan mari karin dad iyo duunyo, maamulka yar ee jabuuti ayaa ka xishoon wayey inay nabad galiso hantida dalka iyo dadka soomaaliyeed oo ah kuwii  dhiigooda u soo huray, falalka uu maamulka jabuuti ka wado degaankaas  lawyacado waxaa ka carooday umada soomaaliyeed meelwalba oo ay joogto, waana mid lagula xisaabtamidoono wixii uu maamulka jabuuti u gaysatay dalka iyo dadka soomaaliyeed, anaga oo ku hadlayna magaca dalka soomaaliya halkaal waxaan fartiin ugu diraynaa maamulka faashilka ah ee ka jirta jabuuti wxaan leenahay=(1) waa in maamulka jabuuti uu joojiyo bililiqada ay ka wado gobolka awdal,(1) waa in maamulka jabuuti ay soo celisaa wixii ay ka boobtay gudaha soomaaliya (3)  maamulka jabuuti waa inay la baxdaa ciidamada calooshooda u shaqaystayaasha ah ee jooga   godaha soomaaliy(4) waa inay maamulka jabuuti ogaataa inuu dhintay xiriirkii soomaalino ee u dhexeeyey jabuuti iyo soomaaliya, dhanka kale wadanka soomaaliya dawlad uma aqoonsa maamulka ka jira jabuuti, waana maamul horay uga falaagoobay dalka soomaaliya, jabuuti waxa ay ka mid tahay dalka soomaaliya, xili kasta oo ay gaartana waxaan cagta marindoonaa maamulka uu gumaysiga france ka sameeyey deegaanka jabuti, si kastaba ha noqotee  soomaaliya waxaa ay noqotay  meel ay doqon waliba hunguri u soo raadsato,maantayna soomaaliya waxaa bililiqaysnaya ku haya maamulka faashilka ah ee ka jira jabuuti ee garan waayey wixii ay soomaali u gashay.

c/laahi ilkacase lawyacado

waad ku mahad santahay booqashada webka ilays.com //<:. <>Thank you for taking your time our website/ilays.com
lagala soo xiriira// ilaysnews@gmail.com

Bookmark and Share

to me :