asmaul-husna
madaxwayne farmaajo SHEPPARD

Home » somali news »

qaymihii ciyaartoyda soo maaliyeed waxaa dilay muxudiin darbo

muxudiindarboSportigu waa mid  xiiso leh oo had iyo jeer  bulshada ku abuurta farxad ,ispotigu waxaa ciyaar u taagan nabad iyo isdhexgal, isbootigu waxaa uu isu keenaa  isku  umado kala gadisan, qofka ciyaartoyga ahi waxaa uu u dhexeyaa dadka oo dhan ,mana lahan qaabiil, waxaana uu matalaa qaranka, waxaa xusid mudan xidigii ciyaartaydii hore e soomaaliya oo wacadaro badan ka muujiyey ciyaaraha dalka iyo dibada  iyo kuwa maantay jooga dhamaantoodna waxaa ay yihiin kuwo u taagan astaanta qaranka soomaaliya, mid ka mid ah ciiyaartaydii hore ee qaranka soomaaliya ayaa ku kacay wax aysan ka filayn umada soomaaliyeed, muxudiin darbo ayaa mar ahaan jiray ciyaaryahan wanaagsan, waxaana uu u ciyaari jiray kooxda llpp, muxudiin darbo waxaa uu ka mid ahaan jiray ciyaartayda loogu jecel yahay dalka soomaaliya sanadihii1970kii -1980kii,  muxdiin darbo ayaa markii ay dawladu dhacday waxaa uu isu badalay wax aysan umada soomaaliyeed ka filayn, muxudiindaro ayaa meel iska dhigay nabad iyo dawladnimo iyo wax la yiraahdo soomaali nimo, muxudiin ayaa noqday nin ay qabyaaladu aad u madax martay, waxaana uu maantay muxudiin ka shaqanayaa wax kasta oo uu qabiil ku halayn karo, muxudiin waxaa uu iska tuuray karaamadii uu horay ugu dhexlahaa umada soomaliyeed, waxaana uu ka doortay jifo yar, qofkasta oo daawada hadalada fuu muxudiin  youtubka ka soo daynayo ayey ku dhalasaynaa caro, muxudiin ayaa caadaystay inuu hadalo argagax leh ku dhex sii daayo bulshada soomaaliyeed dhexdeeda, si kastaba ha noqotee dad badan oo soomali ah ayaa muxudiin darbo ku eedaynaya inuu gudaha soomaaliya ka gaystay dhibaatooyin isugu jira dil iyo dhac iyo biliqo baahsan oo uu kula kacay dad soomaali ah, balse ma hubno,dadka qaarkiis ayaa rumaysan inuu waashay,waxaase wax walba loo qaadan karaa markii aad fiiriso hadalada muxudiin darba wayne, xidigihii hore ee kubada cagta ee soomaaliya ee ay isku kuuxda ahaayeen ayaa ka wada gaabsaday inay ku dhexmilmaan ceebaha iyo qabyaalada ka jirta soomaaliya, laakiin muxudiin darbo waxaa uu noqday horyaalka qabyaalada iyo kala qoqobka soomaalida, waxaase uu muxudiin iloobay in ragii ka horeeyey ee awooda faraha badan lahaa inay qabiil wax ku keeni wayeen, ugu danbyn muxdiin darbo waxaa uu taariikhda soomaalida ka galay baal madow, waana in looga sheekeeyaa jilka danbe oo dhalan doon, wax uu samaynayo muxadiin darba wayne ayaa ah ilaahay laga magangalo. subxaana laahi.

by xaashi

waad ku mahad santahay booqashada webka ilays.com //<:. <>Thank you for taking your time our website/ilays.com
lagala soo xiriira// ilaysnews@gmail.com

Bookmark and Share

to me :