asmaul-husna
madaxwayne farmaajo SHEPPARD

Home » somali news »

askari kenyati ah oo fal naxdin leh ka sameeyey nairobi

download (3)Wararka naga soo gaaraya magaalada nairobi ee dalka kenya ayaa sheegaya in sakari ka mid ah ciidamada kenya uu gaystay fal argagax leh,  arkarigaan ayaa ahaa askarta dharcadka  ee ilaaliya nabadgalyada, askarigaan aya xafada ay soomaalidu degan tahay ee islii ku dilay laba wiil oo dhinyaro ah oo lagu sheegay inay ahayeen tuugo, dhalinyaradaan ayaa markii la dilayey ahaa kuwo aan hubaynayn oo aan shanta kula jirin wax burcadnimo ah, goobta uu askarigu ku laayey wiilasha yaryar ayaa ahayd meel fagaare ah oo ay taagan yihiin kumaankum ruux oo shacab ah, kaamirooyinka wax duuba ayaa laga arkayey wiilsha mid kood oo askariga waxtoogana si nabad ah ula hadlaya kadibna uu xabad ku bilaabay, waxaana layaabay markii uu wiilku dhacay uu hadana xabadu ladul istaagay oo ku dhuftay xabado badan ilaa uu ka dhinto, askariga kenyatiga ah ee laayey wiilasha ayaa u muuqday nin nindhiigyacabka ah oo aan sharciga waxba ka aqoon, dhamaan dadkii goobjooga ka haa falkaas uu arsakarigu ku kacay ayaa goobta ka yaacay ayaga oo argagaxsan, cid kasta oo daawatay video ga laga duubay askariga waxaa ku dhacay qalqal, isma lahayn waligay  kenya ayaad ku arkaysaa fool xumada uu askarigaasu gaystay, falka uu askarigaasu ka gaystay magalada nairobi waxaa ay ceeb ku tahay dawlada kenya, wiilasha lagu laayey xaafadaay soomaalidu degto ee islii waa la toogan karay hadii ay markaas wax boobayeen , laakiin hadii la qabtay xaq waxa ay u laahaayeen in xabsiga la dhigo,  si kastaba ha noqotee askariga dadka ku laayey faagaraha nairobi waxaa uu meel uga dhacay sharaftii iyo qaymihii aadamanimo, waxaana uu ku xadgudbay nafta aadanaha, dhanka kale dawlada kenya waa dal uu dhisan yahay dhamaan laamaheeda sharciyada awoodna u leh qaabab badan oo ay wax uga qabato tuugada, si kastaba ha noqotee waxaan qabaa inay dawlada kenya ay talaabo muuqata ka qado askariga fagaaraha nairobi ku  xasuuqay dhalinyada yaryar ee aan hubaysnay. marka aan sida lee yahay mana ahan inaan taageerayo tuugada dhibatada ku wada shacabka ee waxaan diidanahay meesha fagaaraha ah ee uu askarigu dadka ku laayey, xuseen xasan nairobi

waad ku mahad santahay booqashada webka ilays.com //<:. <>Thank you for taking your time our website/ilays.com
lagala soo xiriira// ilaysnews@gmail.com

Bookmark and Share

to me :