asmaul-husna
madaxwayne farmaajo qalbi-dhagax-

Home » somali news »

carab maxaa uga lumay ciida soomaaliyeed

carab maxaa uga lumay ciida soomaaliyeedDhawaanahaan waxaa dalka soomaaliya ku sii badanayey faragalin qaawan oo wadaan dawladaha carbeed ee ku yaal bariga dhexe, dawladahaas ayaa ka qaybqaadanayey qalalaasaha iyo kala qoqobka ka jira soomaaliya, dawladaha qaliijka ayaa la rumaysan yahay inay yihiin dawlado ay dhab ka tahay sidii soomaaliya loo tirtiri lahaa, dawladahaas ayaa dalka iyo dadka soomaliyeed kala dagaalamay wax kasta oo ay horumar ku gaari lahayeen, hadii aan dib u raacno taariikhda ay dawladaha carabtu ku leeyihiin dalka soomaaliya ayaa ah mid liitada oo aan wax hurumar ah lahayn, majirto wax muuqda oo ay dawlaha carabtu soomaaliya u qabteen, ma jirto ma sharuuc ama warshad ama wakalad ay dawlaha carbeed ka dhiseen dalka soomaaliya, ma jirto meel ay carabtu ugu hiilisay soomaalida, dagaalkii xabashida iyo soomaalida ee dhacay 1977kii waxaa ay carabtu la safnaayeen xabashida, markii ay duntay dawladii dhexe  ee soomaaliya shacabkii u qaxay carabta albaabada ayey ka xirteen, kadibna waxaa ay dalka soomaaliya u soo direen ururo argagixiso ah, faragalinta ay dawladaha qaliijku ku hayaan soomaaliya ayaa ah mid ay ugu tala galeen inay dhabarka uga jabinayaan dawlada soomaaliya, dawladaha bariga dhexe ayaa ah kuwo ku caan baxay xaasidnimo iyo islawaynan, mana yaqaanaan xaqa iyo xuquuda uu lee yahay qofka aadanaha ahi, kumana tixgaliyaan xataa hadii aad tahay muslim.

Dawlada yar ee emarte ayaa gobolada soomaaliya ka wada heshiisyo ay la galayso  shaqsiyaad , taasoo ay ku doonayso inay ku cuuryaamiso qaarka mid dekadaha soomaaliya, waliba waxa ay rabaan inay saldhig milataray ka hesho berbera, si ay u keento ciidamo calooshooda u shaqaystayaal ah oo ay ku layso soomaalida, umada soomaaliyeed meelwalba ooy joogto ma doonayaan inay xiriir siyaasadeed la yeeshaan dawladaha bariga dhexe, maxaa yeelay  dawladahaas lagama gaaro guul iyo horumar, waxaana ay caan ku yihiin lugooyada , si kastaba ha noqtee dawlada qaliijka ayaa la rumaysan yahay inay soomaaliya col kula yihiin shidaalka baraha badan ee ku jira dhulka soomaaliya, waxaana ay ka baqayaan in hadii la soo saaro shidaalka ku jira soomaaliya uu koodo qaymo beele, ugu danbayntii  soomaali badan ayey isaga qaldan tahay arimaha siyaasada iyo arimaha diinta, soomaalida qaarbaa diinta u yaqaan qofkii carabi ku hadla ama kahmiis xiran, taasina waa aqoon la, aan soomaalida ka haysa cilmiga diinta islaamka.

waad ku mahad santahay booqashada webka ilays.com //<:. <>Thank you for taking your time our website/ilays.com
lagala soo xiriira// ilaysnews@gmail.com

Bookmark and Share

to me :