asmaul-husna
madaxwayne farmaajo SHEPPARD

Home » somali news »

ciidamada itoobiya maxay ka hayaan gudaha soomaa liya

ciidamada itoobiyaGudaha dalka soomaaliya waxaa ku jira kumaankum ciidamo shisheeye  oo ka kala yimid qaarada africa iyo aduunka kale, ciidamadaas cida soomaaliya gaysay iyo macnaha loo geeyey iyo wax ay soomaaliya ka hayaan si sax ah looma yaqaano, umada soomaaliyeed ma aysan arkin waxtar ay leeyihiin ciidamadaasu, ciidmadaas waxaa ay wax yeelo aad u badan ayey u gaysteen shacabka soomaaliyeed, ciidamadaasu amaandarada soomaaliya waxba kama qabtaan, urur diimeedyada argagixisada ah iyo ciidamada amisom si isku mid ah ayey u argagixiyaan shacabka sooomaaliyeed, ciidamadaas ajaanibta ahi kama daalaan inay dilaan dadka soomaaliyeed, ciidamada itoobiya ayaa ka mid ah  kuwa lagu eedeeyo inay marwalba dilaan shacabka soomaaliyeed, dilkii u danbeeyey ee ay ciidamaada itoobiya ka gaysteen dalka soomaliya ayaa ahaa oday 90 jir ah oo ay si arxan daro ah ku dileen degmada ceelbuur, hadaba ciidamada itoobiya waxa ay ka hayaan gudaha soomaaliya cid walba waa og tahay, ciidamada itoobiya waa ka duwan yihiin ciidamada kale ee shisheeye ee ku jira gudaha soomaaliya, itoobiya waxaa ay dagaal kula jirtay umada soomaliyeed in ka badan 7 qarni ama 700 oo sano, qof kasta oo soomaali ah ama itoobiyaan ah waxaa eheladiisu ku dhinteen dagaaladii kharaaraa ee u dhexeeyey itoobiya iyo soomaaliya, walina itoobiya iyo soomaaliya ma heshiin, siyaasad ahaana iskuma fiicna, dawlada itoobiya waxaa ay gumaysataa gobolka soomaali galbeed, inat ay itoobya haysato gobolka soomaali galbeed ma laga yaabo in nabad iyo heshiis dhexmaro xabashi iyo soomaali, ciidamadaan itoobiya ee ku jira gudaha soomaaliya ayaa ah kuwo ka shaqaynaya waxkasta khalkhal  galinka amaanka soomaaliya,  dawlada itoobiya ayaa wadnaha farta uga haysa inay soomaaliya ka dhalato dawalad xoog leh, waa la hubaa oo waa xaqiiqo in hadii ay dawlad soomaaliyeed oo xoog leh dhalato inaan fara lala gafayn itoobiya, maxaa yeelay waxaa ay haystaa dal iyo dad soomaaliyeed, waqtigaan hada lagu jiro waxkasta oo wanaag ah oo ay itoobiya u samayso shacabka soomaaliyeed uma cuntamayaan, eedaha u daran ee hada loo jeedinayo dawlada itoobiya ayaa ah faragalinta qaawan ee ay ku hayso arimada soomaaliya, itoobiya waxaa ay hub ka dajisay kismayo, waxaa ay hub isugu dhiibtay beelo soomaaliyeed, dhanka kale magaala kasta oo ay tagaan itoobiyaanku waxaa laynayan shacabka ka dibna waxaa ay u banaynayaan kooxaha argagixisada ah ee shabaab si ay shacabka markooda u xasuuqaan, itoobiya waxaa ay gacanta ku dhitay qaar ka mid  maamul goboleedyadii soomaaliya, si kastaba ha noqotee waxaan dawlada itoobiya  kula talin lahaa inay shanta kala baxado arimaha soomaliya, ciidamada itoobiyana waa inay ka baxaan dhamaan dhulka soomaaliya, waana inay itoobiya ka shaqasaa sidii ay uga bixi lahayd gobolka soomaali galbeed.

wariye xalane  deegaanka feer feer

waad ku mahad santahay booqashada webka ilays.com //<:. <>Thank you for taking your time our website/ilays.com
lagala soo xiriira// ilaysnews@gmail.com

Bookmark and Share

to me :