asmaul-husna
madaxwayne farmaajo SHEPPARD

Home » somali news »

doqon iyo danbiile dawlad waa ka naxaan

danbiilayaalDalka soomaaliya waxaa uu dawlad la,aan ahaa inka badan 26sano, gudaha soomaaliya waxaa ku samaysay kooxo danbiilaal ah oo noloshoodu ku tiirsan tahay wax ay dilaan ama ay dhacaan, danbiilayaasha qaarkood waxaa la rumaysan yahay inay dad aad u badan laayeen , danbiyada horay uga ka dhacay soomaaliya waxaa ka badan midka hada socda oo lagu dhibaataynayo shacabka, waxaaba hada gudaha soomaaliya caadi ka noqotay in qof u bareero inuu qarxiyo goob ay ku badan dad shacab ahi, heer waxaa lagaaray in masaajid dhexdiis dad lagu dhexdilo, shacabka soomaaliyeed waxaa la baday inay ka hadli waayeen dadkoodii oo la dilay ama la dhacay ama lakufsaday, dad waxaa jira lagu adoonsado gudaha soomaaliya, qarkood  beeraha ayaa lagu fashaa, qaarkood ubadkooda ayaa dibada loo iib geeyaa, qaarkood jirkooda ayaa laga ganacsadaa, qaarkood lacag joogto ah  ayaa laga qaadaa, qaarkood dhiiga ayaa laga shubtaa, qaarkooda iibinta daroogada ayaa loo  adeegsadaa, ma yara danbiilayaasha ku jira gudaha soomaaliya,hadaba dalka soomaaliya waxaa hada ka dhalatay dawlad, dawladaas waxaa aad uga naxay dalbiilayaasha, waxaana ay isku dayayaan inay sameeyaan wax kasta oo fashilin kara dawlada cusub, danbiilyaashaasu waxaa ay dawlada ka galaan dhanwalba oo ay ka jilic san tahay, hadaba sidee gacanta loogu dhigi karaa danbiilayaasha dhex fadhiya soomaaliya?,marka hore waxaad moodaa in shacabka soomaaliyeed ay ka daaleen dhibaatada ay ku hayaan danbiilayaashu, waxaana ay shacabku si kal iyo laab ah u kaydiyeen magacyada dhamaan danbiilayaasha iyo qof kasta oo danbi u gaystay  dalka iyo dadka soomaaliyeed, dawlada cusub waxaan kula talin lahaa inay si degdeg ah u dhisto awooda ciidamada iyo laamaha amaanka iyo garsoorka, marka xiga in danbiilayaasha laga dhigo mid la dilo iyo mid la qabto, kii baxsadana looga daba tago dibada, hadii sidaas la yeelo umada soomaaliyeed wixii ka haray waxa ay ku noolaan doontaa nabadgalyo iyo nolol waarta, markii gudaha la sifeeyo ayaa wax laga qaban karaa wixii banaanka kaajira, si kastaba ha noqotee cidina yeysan ku naaloonin inay soomaaliya toosto inta aydanbiilaashu dhex hurdaan  gudaha soomaaliya, ugu danbayntii ha loo diyaargaroobo dagaal ka dhan ah  kooxda maafiyada ah ee ku jirta gudaha soomaaliya.

by xaashi

waad ku mahad santahay booqashada webka ilays.com //<:. <>Thank you for taking your time our website/ilays.com
lagala soo xiriira// ilaysnews@gmail.com

Bookmark and Share

to me :