asmaul-husna
madaxwayne farmaajo qalbi-dhagax-

Home » somali news »

mahad abiib miyuu yahay dal laawe ?

mahad abiibMagaalada oslo ee dalka norway waxaa dhawaanahaan ay dacwad uga socotay nin ka mid ah mawaadiniinta soomaaliyeed, ninkaas ayaa lagu magacaaba  mahad abiib maxamuud, dacwada ninkaan loo haysto ayaa ah mid lagu diidan yahay soomaalinimadiisa, mahad abiib ayey dawlada norway ku eedaysay inuu ka soo jeedo soomaalida ku dhaqan jabuuti, mahad abiib ayaa la sheegay inuu ka soo jeedo dalka soomaaliya,balse dawlada norway waa ka dhaga adaygtay, ujeedada ay norway ku kala qoqobayso soomaalida ayaa ah wax laga xumaado, dadka soomaaliyeed ayaa ah dad isku af ah isku dhaqan ah isku diin ah hal deegaana wada degan, norway ayaa si aysan ka fiirsan carqalad u galisay mahad abiib qoxootinimadiisa, mahad abiib waa nin soomaali ah oo ay cadahay soomaalinimadiisu, mahad ma ahan nin yurub ah mana ahan indhayar ah ama afrikaanka kale, mahad waa nin soomaali soomaali dhalay ah , kuna hadla afka soomaaliga, kana soo jeeda dalka soomaaliya, lana garayo walidiintiis, mahad waa shaqsi nadiif ah oo aan waxa danbi ah ka galin dalka iyo dadka norway, mahad waa nin shaqasta oo hadana dhaqtar ah,sababta ay dawlada norway ugala noqotay sharciga qoxootinimada ayaa ah mid siyaasadaysan oo ay norway ku dulaysanayso dadka soomaaliyeed, dawlada norway ayaa soo dhawaysay qoxootigi badan oo soomaali ah,base waxaa garab socda waxyeelo badan oo ay kula kacayso shacabka soomaaliyeed ee ay magan galiso, qaylo dhaan badan ayaa ka soo yeeraysa soomaalida ku dhaqan dalka norway, arinta u danbaysay ee xanuunka badan ee ay dawlada norway kula kacday shacabka soomaaliyeed ayaa ah mida ay ku hayso mahad abiib.

Dhanka kale waraysigii u dabeeyey ee uu mahad abiib bixiyey ayuu ku sheegay  inuu noqday nin dal laawe ah ama nin aan lahayn wax dal ah, hadalkaas ayaa ka xanaajiyey soomaali badan oo daawanaysay waraysigaas, mahad abiib ma ahan nin dal laawe ah ama kurdi ah, mahad waxaa uu lee yahay dal balaaran oo la yiraahdo soomaaliya, mahad abiib waxaa uu si xor ah ugu noolaan kaaraa dhulka soomaaliyeed maashii uu ka doono, mahad waxaa uu ku noolaan karaa soomaali galbeed ama NFD ama soomaaliyaa ama jabuuti, mahad abiib waxaa uu ka soo jeeda dal barwaaqo ah oo leh wabiyo iyo baddo waawayn, mahad waxaa uu ka soo jeeda dal barwaaqo ah oo leh cimilo wanaagsan, mahad waxaa uu ka soo jeeda wadan hodon ku ah beero iyo xoolaha nool, mahad waxaa uu nasiibka u yeeshay oo ilaahay ku abuuray  dalka soomaaliya ,mahad abiib asaga oo haysta dalka sidaas u wanaagsan inuu yiraahdo waxaan ahay dal alaawe waa arin xanuun badan, mahad abiib waxaa nin awood u leh inuu soomaamaaliya madaxwayne ka noqdo, mahad waxaa uu awood u lee yahay intuu soomaaliya tago uu hadan albaabada isugu dhufto safaarada  ay norway ku lee dahay dalka soomaaliya, si kastaba ha noqtee mahad abiib waa nin dhaqtar ah waxaana u baahan umada soomaaliyeed, mahad waxaa uu  ka shaqaysan karaa meelkasta oo ay soomaali joogto, ugu danbayntii dawlada norway waxaan ka codsanaynaa inay nabadgaliso mawaadinka soomaaliyeed ee layiraahdo mahad abiib maadaama uu yahay mawaadin soomaaliyeed oo waqtidheer ku noolaa dalka norway , hadii  norway ay nabadgalinwaydo mahad abiib ha ogaato  in umada soomaaliyeed meel walba ooy joogto ay aad uga xun tahay.

by xaashi

waad ku mahad santahay booqashada webka ilays.com //<:. <>Thank you for taking your time our website/ilays.com
lagala soo xiriira// ilaysnews@gmail.com

Bookmark and Share

to me :