asmaul-husna
madaxwayne farmaajo qalbi-dhagax-

Home » somali news »

midabka iyo muuqa alle ku siiyey hamasuugin

midabka haweenkaBaryahaan danbe waxaa bulshada soomaaliyeed ku soo badanayey meel kadhac lagu samaynayo midabka madow, waxaa dadka soomaaliyeed ka dhex bilowday dagaal si wadajir ah loogu qaaday midabkii madoobaa, markii aad indhaha mariso meelaha ay soomaalidu isugu yimaadaan waxaad arkaysaa inuusan ka muuqanayn midabkii lagu yaqaanay soomaalida, %100 haweenka soomaaliyeed waxaa ay ka tageen midabkoodii wanaagsanaa waxaana ku badaleen midab aan lagarayn waxa uu yahay, sida xaqiiqada ah midabka madaw iyo midabka cad waxaa fiican midabka madoq, maxaayeelay midabka madow waxaa uu u dulqaataa cimilo kasta sida kulaylka qabawga xanfarka dabaysha isbadalka horuunada xanuunka qofka la soo darsa, midabka madow waxaa uu ka hortagaa gobowga  wajiga ka yimaada, midabka madaw waxaa uu jirka ka ilaaliyaa cuduro badan, midabka madow hadii uu dhaawac soogaaro si degdeg ah ayuu ku bogsoodaa, midabka madow jirka uma ogola inuu cuduro kaydiyo, midabka madow waxaa uu awood badan siyaa xubnaha taranka, midabka madow waxaa uu ka hortagaa cudurada faafa,midabka madow waxaa uu dhisaa jirka , midabka cadi uma dulqaato cimilada waana midb had iyo jeer kareem lagu daba wado, hadaba maxay umada soomaaliyeed ku doorteen midabka  cad oo ay ku  naceen midabkoodii madoobaa, waxaan dhihi karnaa waajaahilnimo wayn oo soomaalida ka haysta xaga aqoonta, waxaa ay kharash aad u badan ku bixinayaan daawooyinka sunta ah ee la isku cadeeyo, waxaad arkaysaa nin nagtiisii u soo iibninaya kareemada la isku cadeeyo, waxaad arkaysaa in ragii soomaaliyeed ay guursanayan haweenka iscadeeya, xataa waxaa jira rag is cadeeyey , soomaalidu midabka cad khalad ayey ka fahan tay, in haweenka soomaaliyeed ay is cadeeyaan waxaa ma suuliyeed iska leh ragga soomaaliyeed, haweenkii is cadeeyey waxaa ku yimid caafimaad daro aad u badan, maadooyinka la isku cadeeyo waxaa ku jira sun aad u badan , xataa kareemada la isku cadeeyo waxa ay waxyeelo balaaran u gaysteen caruurta uurka ku jirta, haweenka is cadeeya waxaa ay inta badan dhalaan caruur aan dhamays ahayn, kareemada la isku cadeeyo waxaa ay dumarka ku keeneen cudro badan iyo cimri degdeg, si kastaba ha noqotee dumarka soomaaliyeed ayaa ah kuwo uumarkii horeba ilaahay qurux siiyey , waxaana haween ayaga oo aan waxba ismarin ka qorux badan haweenka dunida joogoo dhan, jirka lacadaynayo waxaa ay soomaaliya ku soo korortay 25kii sano ee soomaalidu dibada yimaadeen , waxa  kalifay in haweenka soomaaliyeed  ay jirkooda cadeeyaan ayaa ah niman doqomo ah oo qurbaha ka yimid haweenka cad oo ka liya doonaya, ugu danbayn midabka madow  waa midabka dunida ugu wanaagsan , waxaana lagu dhigaa jaamacadaha aduunka oo dhan, dadka soomaaliyeed waxaan ku waaninayaa inay  iska daayaan kareemada halista ah ee jirka lagu cadeeyo, waana inay isticmaalaan  waxyabo aan dhib u kenayn oo jirkooda ay ku dhaaliyaan.

by xaashi

waad ku mahad santahay booqashada webka ilays.com //<:. <>Thank you for taking your time our website/ilays.com
lagala soo xiriira// ilaysnews@gmail.com

Bookmark and Share

to me :