asmaul-husna
madaxwayne farmaajo qalbi-dhagax-

Home » somali news »

Safaaradda Somalia ee ku taal usa oo dhibaato ku haysa qoxooga soomaalida

safaarada soomaalida ee washintonSaafarad walba oo dunida ka furan waxaa ay shaqadeedu tahay inay u adeegto dalkeeda iyo dadkeeda, safaarada soomaalida ee ku taala washinton ee dalka maraykanka ayaa gabtay hawshii loo igmaday, waxaana ay safaaradu shaqdeedii u weecisay inay ka shaqayso sidii loo tarxiili lahaa soomaalida qoxootiga ku ah dalka maraykanka, safaarada ayaa heshiis la gashay laamaha tarxiilka ee dalka maraykanka,dhalinyaro badan oo saamaalihi oo laga tarxiilay dalka maraykanka ayaa safaarada soomaalida ee ku taala washinton inay ka qayb qaadatay tarxiilkoodii, dhalintaasu waxaa  ay cadeeyeen inay mudo sanado ah ay ku xirnaayeen xabsiyada maraykanka, xiiriir badan oo ay la sameeyeen safaaraduna ay dhagaha ka furaysatay, qoxootiga kale ee aan soomalida ahayn  ee la xirnaa dhalinyarada soomaaliya  waxaa ay gurmad ka heleen safaaradahooda waana la sii daayey, dhalinyaradaan ayaa dalka maraykanka ku yimid qaab tahriib ah oo aad u dhib badan , waxaana ay soomareen in ka badan 20 dawladood,bilihii aan soo dhaafnay waxaa dalka soomaaliya lagu celiyey in ka badan 70 qofood oo soomaali ah oo laga soo tarxiilay  dalka maraykanka, dhamaantooda waxaa y isku si uga cabanayeen safaarada soomaalida ee dalka maraykanka,

 tarxiilka lagu hayo dhalinyada soomaalida waxaa ay ka jirtaa dalalka ku yaal yurub, dawlado badan oo yurub ah ayaa dhawaanahaan waday inay tarxiilaan soomaalida qoxootiga ah ee dalkoodu burbursan yahay, dawladahaas qaarkoodna waxaa ay diideen inay soomaalida sharciyada siiyaan, dhibaatadaas ku dhacday soomaalida qoxootga ah waxaa ka qayb qaatay masuuliyiin danbiilayaal ah oo ka tirsan dawlada soomaliya, raga lagu eedeeyey inay ka danbeeyeen  qoxootga soomaalida ah ee laga tarxiilayo yurub waxaa ka mid ah G/ claahi gaafoow maxamad iyo wasiir hadliye. labadaan nin ayaa heshiis qarsoodi ah la galay  qar ka mid  ah dawlaha ku yaala yurub ee ay soomaalidu degan tahay,

Hadaba dadka loo magacaabayo inay safiiro ka noqdaan wadamo shisheeye ayaa u badan kuwo hab qabiil loogu dhiibay si loogu qanciyo beesha uu ka soo jeedo, wax aqoon ahna uma lahan macnaha safiirnimo iyo waxa safaarada looga baahan yahay, safaaradaha  ay soomaali leedahay ee ka furan dunida waxaa ay u shaqeeyaan si aad uga duwan safaaradaha kale ee caalamka ka jira, safaaradwalba ninkii loo dhiibo ayaa u isticmaalaya wax uu asagu iska lee yahay oo kale, waxaa xusid mudan safaaradii ay soomaalidu ku lahayd talyaaniga oo ninkii safiirka ka ahaa uu ka kireeyey qoys cadaan ah oo ila iyo hada uu ka qaataa ijaarka, si kastaba ha noqotee inta dawladnimada soomaaliya loo qaybsanayo habqabiil ma suurta galayso inay soomaali hormarto , qabiil qabiilka ka jira soomaaliya waxaa uu sababay in malaayiin aqoonyahay  oo soomaaliya waxtari lahaa ay banaanka ka taagan yihiin siyaasadii soomaaliya, waxaana umada soomaaliyeed hor ordaya mid damiin ah oo aan lahayn wax aqoon ah oo qabiil lagu keenay, uigu danbayn safaarado badan oo ay soomaali leedahayoo ka furan dunida ayaa u baahan dib u eegid, eedaha cusub ee loo soo jeedinayo safaarada soomaalida ee dalka maraykanka waxaa ka waramaya qaar ka mid dhalinyaradii laga soo tarxiilay usa ee daawasho wacan

waad ku mahad santahay booqashada webka ilays.com //<:. <>Thank you for taking your time our website/ilays.com
lagala soo xiriira// ilaysnews@gmail.com

Bookmark and Share

to me :