asmaul-husna
madaxwayne farmaajo qalbi-dhagax-

Home » somali news »

soomaaliya oo halis ugu jirta in ururada argagixisada ahi ay la wareegaan

imisa-urur-oo-argagixiso-ah-e1489767347134Wadanka soomaaliya waxaa ku sii qulqulaya ururo badan oo sheeganaya diin oo wada argagixiso ah,  ururadaan dhamaantood waxaa ay ka imaanayaan oo laga soo dirayaa oo hadana laga hagayaa wadamado ku yaal  bariga dhexe, ururadaan ayaa wata dhaqamo iyo siyaasado lidi ku ah diinta islaamka iyo dhaqanka soomaalida, ururadaan argagixisada ah ayaa dalka soomaaliya ku haya qalqaliso badan, waxaana ay ururadaanu u muuqdaan kuwo loo soo diray inay dadka soomaaliyeed ka lumiyaan diinta iyo caqiiqada iyo dhaqanka, ururada argagixisada ah ee hada ku sugan gudaha soomaaliya ayaa tradooda lagu sheegay  21 urur oo hubaysan oo wada argagixiso ah, ururada argagixisada ah ee ka dagaalamay gudaha soomaaliya waxaa ay kala ahaayeen (1) ururka al itixaad (1) ururka maxaakiimta(3) ururka shabaab (4)ururka damuljadiid) 17 urur oo kale ayaa hada u diyaarsan inay dagaal ka ridaan soomaaliya, hadaf ay lee yihiin ururadaan ayaa ah in dalka soomaaliya ay ka dhigaan  xarun ay isugu yimaadaan danbiilayaal badan oo dayro ka ah dalalkooda, ururadaan argagixisada ahi kama jiraan wadamada carbeed ee ku yaal bariga dhexe, dawladaha qaliijka ayaa sameeyey ururadaan, waxaana ay u sameeyen ururadaan inay ku fawdeeyaan dalka soomaaliya, ururadaan hubaysan ayaa dalka soomaaliya ka sameeyey falal argagixiso oo aad u fool xun oo ka yaabiyey shacabka soomaaliyeed, tacadiyada  ay kula kaceen shacabka soomaaliyeed ayaa ah mid aysan waligood iloobi doonin, kooxahaanu waxaa ay meel uga dhaceen sharaftii iyo karaamadii uu qofka aadanaha ahi lahaa, waxaa ay dulaysteen noloshii aadamanimi, dadkii waxaa ay ka dhigeen mid ay qarxiyaan mid ay gawracaan iyo mid ay ka jaraan xubnaha, waxaa ay ku ciyaareen naftii aadanaha, ururadaan argagixisada ahi waxa ay sheeganayaan diin waxa ay ciqaabayaan oo ay laynayaan ayaa ah dad muslimiin ah, umada soomaaliyeed ayaa ah dad wada muslimiin ah oo aan laga heli akarin qof diinkale haysta, dadka soomaaliyeed ayaa ah dad si wanaagsan u yaqaana diinta islaamka kuna dhaqma, diinta islaamku waxaa ay dalka iyo dadka soomaaliyeed soo gaartay 1420kii taarikhda hijriyada ama 597 dii taariikgda miilaadiga, dadka soomaaliyeed waxaa ay diinta islaamka uga aqoon badan yihiin  wadamo badan oo carbeed, si kastaba ha noqotee uraradaan argagixisada ah ee ku sii ququlaya soomaaliya ayaa ah kuwo u taagan inuu argagixiyo dalka iyo dadka soomaaliyeed, ururdiimeedkii  u danbeeyey ee 8 maamood  ka hor looga dhawaaqay dalka soomaaliya ayaa ahaa ururka la lamagac baxay al xaqaani, ururkaan ayaa asaguna ka yimid wadamada bariga dhexe, hadaba ururadaan ayaa ah kuwo u baahan in laga sifeeyo dalka soomaaliya, ugu danbayntii dalka iyo dadka soomaaliyeed wax horumar ah ma gaari doonaan ilaa dala laga nadiifiyo ururada argagixisada ah ee ka soo qulqulaya qaliijka.

by xaashi

waad ku mahad santahay booqashada webka ilays.com //<:. <>Thank you for taking your time our website/ilays.com
lagala soo xiriira// ilaysnews@gmail.com

Bookmark and Share

to me :