asmaul-husna
madaxwayne farmaajo SHEPPARD

Home » somali news »

tacadiyo laga soo sheegayo hablihii sucuudiga la geeyey

tacdi hablaha soomaaliyeedWararka naxdinta leh ee naga soo gaaraya dalka sucuudi arabiya ayaa sheegaya in haween fara badan oo soomaali ah tacadiyo loogu gaysanayo, haweenkaas ayaa ahaa kuwo booyaasooyin ah oo laga keenay dalka soomaaliya, ururkii damuljadiid ee ka talinayey dalka soomaaliya ayaa sucuudiga heshiis kula galay 5000 kun oo haween soomaali ah oo booyaasooyin ka noqda dalka sucuudiya, in kabadan 3000 ku oo haween soomaaliyeed ah ayaa lagu guulaystay in sucuudiga la geeyo, wixii dhimana hada ayaa la wadaa, wararkii u danbeeyey ee ku saabsanaa haweenkii lageeyey sucuudiga ayaa la sheegataa inay sucuudiga kala kulmeen ciqaab aad u fool xun, gabdhaha la geeyey  sucuudiga ayaa lagula kacay waxkasta oo xun oo ka dhan ah xuquuqda aadanaha, waliba waxaa la soo sheegayaa in qaarkood lagu qaawiyey meelo fagare ah, dhibaatada lagula kacay hablahaas soomaaliyeed ee sucuudiga lageeyey waxaa si caro leh uga hadlay mudane maxamad cumar dalxa oo ka mid ah masuuliyiinta dawlada soomaaliya, mudane dalxa waxaa uu sheegay inaan loo dulqaadan karain falalka foosha xun ee ay shacabka sucuudigu kula kacayaan hablaha soomaaliyeed, dalka sucuudiga ayey caado ka tahay in qofkasta oo aan sucuudi ahayn lagu xadgudbo, si kastaba ha noqotee madaxwanihii hore xasan shekh maxamuud ayaa ku dhaga adaygay inuu sucuudiga u diro hablo soomaaliyeed, wadamo badan oo dadkoodu saboo yihiin ayaa iska diiday dalabka haween lagu shaqaysto, ugu danbayntii dhibaatada lagu hayo haweenka soomaaliyeed ee sucuudiga lageeyey wa ay ceeb ku tahay qofkasta oo soomaali ah meel walba oouu dunida ka joogo.

by xaashi

waad ku mahad santahay booqashada webka ilays.com //<:. <>Thank you for taking your time our website/ilays.com
lagala soo xiriira// ilaysnews@gmail.com

Bookmark and Share

to me :