asmaul-husna
madaxwayne farmaajo SHEPPARD

Home » somali news »

Soomaaliya ma dal horay u socdaa mise waa dal dib u socda mise waa dal xiran

wadanka-soomaaliya-Wadanka soomaaliya waxaa uu dawlad la,aan ahaa in kabadan 26 sano waa dal soo maray dhibaatooyin badan oo aanaan halkaan ku soo boobi karin, shacabka soomaaliyeed waxaa ay waxyeelo balaaran ka soo gaartay qalalaasaha dabada dheeraaday ee ka jira soomaaliya, umada soomaaliyeed  waxaa ay jecel yihiin inay helaan dawlad xoog leh oo ka dhalata dalkooda, 10kii sano ee u danbaysay dalka soomaaliya waxaa ka curanayey  dawlado madaxwaynayaal  leh balse ma ahayn dawlado miro dhala, hada soomaaliya waxaa ka jira dawlad ay shacabku jecel yihiin caalamkuna aqoonsan yahay, hadaba waxaa jira waxayaabo badan oo soomaaliya iiga dhexmuuqanaya mar walbana aan waydiiyo naftayda iyo maskaxdayda iyo maankayga  laakiin aan jawaab u waayey,. su,aalahaas waxaa ay kala yihiin, (1) maxaa sababay in soomaaliya ay 26 sano dawlad la,aan ahaato,? maxayse soomaali u heshiin la,dahay? (2) maxaa dawladii la dhisaba fashiliya?,(3) maxay dawlada soomaaliya taageero caalami ah u wayday,? (4) maxay soomaalidu qabyaalada isag dhaafi wayeen?,(5) maxaa ciidamada soomaaliya cuuryaamiyey?, (6) maxay ciidamada shisheeye ka yahaan gudaha somaaliya?. (7) argagixisada joogta soomaliya yaa maalgaliya?,(8) maxaa sababay in ka yar laba boqol 200 oo argagixisada shabaab ah ay ku amar ku taagleeyaan gobolo badan,? (9)  yaa danbiilayasha ka dhigay madax iyo masuul,? yaa boqray kuwa soomaalia baayacaya?,(11) maxaa abwaanadii afka qabtay?(12), maxay culumadii caamada uga aamustay?(13) maxaa waayeeladii asaasaq ka dhigay?(14) maxaa marwooyinkii muquuno ka dhigay?(15)yaa doqanka darajada siiyey?(16) maxaa loo waayey dhalinyaro dhiidhida?(17) maxaa dhulka ku jiiday sharaftii soomaali?(18) maxaa aqoonyahanadii xusuusta ka qaaday?(19) yaa xabashi u fasaxay ciida soomaaliyeed,(20)yaa kenya ka iibiyey badda soomaaliya?(21), yaa dabadhilif iyo ruufiyaan hanolaado yiri?(22), yaa dalka keenay dawada iyo raashinka dhacay?(23), yaa dadka ku laynaya gudaha soomaaliya,?(24) suaalahaas iyo iyo kuwo kale oo badan ayaan jawaab u waayey, si kastaba ha noqtee  aniga aragtidayda gaaban waxaa ay ila tahay in dalka soomaaliya ay haysato  fargalin shisheeye oo qawan oo dalka iyo dadka soomaaliyeed aan u ogalayn wax horumar ah(dalkuna waa xiran yahay) waxaana ay soomaaliya u baahan tahay dad wadaniyiin ah oo u xayta badbaadinta dalka iyo dadka soomaaliyeed. by xaashi

waad ku mahad santahay booqashada webka ilays.com //<:. <>Thank you for taking your time our website/ilays.com
lagala soo xiriira// ilaysnews@gmail.com

Bookmark and Share

to me :