asmaul-husna
madaxwayne farmaajo SHEPPARD

Home » somali news »

warbixin gaaban oo ku saabsan safarkii aan ku tagay dalka kenya.

warbixinWaxaan safar gaaban ku tagay gudaha dalka kenya iyo gobolka NFD oo ay gumaysato dawlad kenya, waxaan u kuur galay habka ay soomaalidu  ugu nool yihiin dalka kenya iyo wax jira gobolka NFD,guud ahaan amaanka dalka kenya waxaa uu ahaa mid wanaagsan, mana jirin dhibaato muuqata oo ay soomaalidu qabtay,soomaalida ku nool gudaha kenya waxaa ay isugu jireen kuwo wax haysta iyo kuwo sabool ah, waxaase ay indhahaagu soo jiidanayaan ganacsiga balaaran ee ay soomaalidu ku haysato caasimada nairobi ee xaafada islii, qof walba waxaa uu ku mashquulsaa sidii uu u dabarilahaa noloshiisa, dadku waxaa ay aad u hadal hayeen  doorashada bisha 8aad ka dhici doonta dalka kenya, dad badan ayaa cabsi ka qabay in doorashadaas uu qalalaase ka dhasho  ka dibna ay dhibaato ka soo gaarto, soomalidu waxaa ay aad uga cabanayeen ciidamo dharcad ah oo loo yaqaano (anti terrorism), ciidmadaas ayaa tacadiyo aad u fara badan u gaystay shacabka soomaaliyeed ee degan kenya iyo gobolka NFD ee ay gumaysato kenya, ciidamadaasu waxaa ay guryahooda kala baxeen kumaan kum ruux oo soomaali ah oo ay ku eedeeyeen inay argagixiso yihiin, intoodii badnayd waa laayeen dadkii ay la baxeen.

dawlada kenya waxaa ay ku mashquulsanayd sidii ay u sugi lahayd amaanka dalka kenya,dawlada kenya waxaa ay isha ku haysay dhaqdhaqaaq kasta oo wadaan ururka argagixisada ah ee shabaab, dawlada kenya waxaa ay ciidamo aad u fara badan u dirtay  deegaamada mandera iyo kulan iyo lamu oo marar badan ay qalalaase ka rideen ururka shabaab,

Dadka ka imaanaya soomaaliya waxaa ay kenya ku soo galaan baasaboor somaali ah oo ay saaran tahay  visa kenya  ah, gaadiidka ka yimaada gobolka NFD ee u socda nairobi aad iyo aad ayaa loo baaraa, qoxootiga ku jira xeryaha dadaab aad ayey ugu adag tahay inay soo gaaraan gudaha nairibi, amaanka ka jira xeryaha qoxootigu waxaa uu ahaa wanaagsan , nolosha qoxootiguna aad ayey u adkayd, hayada quudisa qoxootiga  ayaa bishii halmar ah siisa rashin yar oo aan ku filnayn, qoxootiga intiisa badan waxaa ay hadal hayeen sidii ay dibada ugu dhoofi lahaayeen, waxaana ay walwal ka qabeen in la xiro xeryaha ay ku nool yihiin, dad badan oo qoxootiga ka mid ah oo maraykanka u dhoofi lahaa ayaa ka cabanayey amarka uu madaxwaynaha maraykanku  ku joojiyey  soomaalida galaysa maraykanka,

intii aan joogay dalka kenya ma arag wax i dhiba ama iga caraysiiya, marka laga reebo shirkada taleefanada  bixisa ee safaricom, markii aad gaarto dalka kenya waxaa khasab ah inaad  qaadato taleefoon lambar aad kula xiriirto eheladaada, waxaa ka jira kenya hal shirkad oo kaliya oo bixisa adeega taleefanka, waana shirkada safaricom, shirkadaas ayaan kala kulmay amar ku taaglayn fara badan, waa shirkad markii ay doonto kaa xiraysa adeega taleefanka iyo lacagtaada, waxaa jiray marar badan oo aan cadibaad kala kulmay shirkadaas, dhanka kale shirkada safaricom ayaa ka qayb qaadatay dad badan oo soomaali ah oo ay laayeen  ciidamada (anti terrorism) dadku waxaa ay ii sheegeen in shirkada safaricom ay tahay laan kamid ah ciidamada (anti terrorism) , dadka reer kenya iyo soomaaliduba kuma qanacsanayn habdhaqnka shirkadaas, mana jirin shirkad kale oo lawlan kula jirtay safaricom, waxaana ay ahayd dhibaato ka taagan kenya,

Cimilada gobolkaNFD waxaa uu ahaa mid aad u qobow waana xiligii xagaaga, shacabka kenya ku nool waxa ay ahaa yeen dad jecel nabada aadna isu tixgaliya, dhamaan magaalooyinkii aan maray xaaladoodu aad ayey u daganayn, ciidamada amaanka kenya ayaa si nabad ah ku dhexmarayey magaalooyinka, caasimada kenya ee nairobi waxaa ku sugnaa  kumaankum qoys oo soomaali ah oo ka soo laabtay qurbaha, inkastoo ay hada ka baqayeen  doorashada, ganacsiga ay soomaalidu ku haysatay gudaha kenya waxaa uu u badnaa badeeco laga keenay shiinaha oo u badan dhar iyo electaronic,

ugu danbayntii dalka kenya waxaan ku soo dhamastay dhamaan fasaxaygii oo dhan in kastoo aan jeclaa inaan gaaro dhulkaygii hooyo ee soomaaliya waase ii suurta gali wayday insha alaah waa gaari doonaa.

by xaashi

 

waad ku mahad santahay booqashada webka ilays.com //<:. <>Thank you for taking your time our website/ilays.com
lagala soo xiriira// ilaysnews@gmail.com

Bookmark and Share

to me :