asmaul-husna
madaxwayne farmaajo SHEPPARD

Home » somali news »

YAA KU DUULAY XERAALE

XERAALEWaxaa dulaan dad badan lagu xasuuqay uu ka dhacay magaalada xeraale oo ku taal bartamaha gobolka galguduud, ciidamada duulaanka ku qaaday xeraale waxaa ay ka baxeen magaalada dhuusamareeb ,waxaana ay ciidamadaasu ka mar qaadanayeen horjooge sh shaakir, xiriir badan oo aan la samaynay degaanka xeraale ayaan ku soo ogaanay in dagaalku uu ahaa mid siyaasadeed oo lagu doonayey in lagu xasuuqo shacabka reer xeraale, ciidamada ka baxay dhuusamareeb ee dagaalka ka riday xeraale waxaa ka mid ahaa shaqsiyaad ka soo jeeda degaanka xeraale, dagaalkii ka dhacay xeraale ayaa lagu xasuuqay dad shacab ah oo aan waxba galabsan oo tiraddodu kor u dhaafayso 20 ruux, horjoogaha dhuusamareeb sh shaakir ayaa dusha u ritay wax alla wixii ka dhacay magaalada xeraale, horjooge sh shaakir ayaa sheegan jiray inuu ku abtirso culumada ahlusuna waljameeca, balse waxaa cadaatay in magaalada xeraale oo xarun u ahayd ahlu sunnaha uu dad badan ku xasuuqay,taasoo been ka dhigaysa ahlu sunaha uu sheegan jiray, magaalada xeeraale ayaa ah magaalo ay degan yihiin dad culumo ah  oo ku abtirsada dariiqda sayliciyada, shaqsiyaad ka falaagoobay dadka reer xeraale ayaa galay jeebka horjooge  sh shaakir , kuwaaso marwalba garab ay wax ku fidneeyeen ka helaya sh shaakir,si kastaba ha noqotee siyaasadii sh shaakir ee ku sheegan jiray inuu hogaamiyo culumada ahlu sunna  ayaa meesha ka baxday ,waxaana uu sh shaakir uu mar qura isu badalay  hogaame kooxeed arxan daran, waxaana marqaati ka ah wixii ay ciidamadiisu ay  ka gaysteen magaalada xeraale, waxaan halkaan ka cambaaraynaynaa duulaanka ay ciidamada sh shaakir ku qaadeen magaalada shuusamareeb, halkaan waxaan tacsi tiiraanyo uga diraynaa eheladii ay ka baxeen dhamaan dadkii dhintay dagaalkii ka dhacay xeraale waxaan lee nahay samir iyo iimaan ilaahay ha idinka siiyo, ayagana janadii fardowsa allaha ka waraabiyo, intii dhaawacantayna allaha caafiyo. aamiin

waad ku mahad santahay booqashada webka ilays.com //<:. <>Thank you for taking your time our website/ilays.com
lagala soo xiriira// ilaysnews@gmail.com

Bookmark and Share

to me :