asmaul-husna
madaxwayne farmaajo SHEPPARD

Home » somali news »

talyaaniga oo lumiyey taariikhdii uu ku lahaa soomaaliya

talyaani carlo companileDawlada talyaanigu waa dawlad wayn oo taariikh soojireen ah ku lahayd wadanka soomaaliya iyo geeska africa, dawlada talyaanigu waxaa ay ka mid ahayd dawladihii waawaynaa ee dunida gumaystay qarnigii 18aad , dawlada talyaanigu waxaa ay dalka soomaaliya qabsatay 1861dii waxaana ay ka baxaday 1960kii, dawlada talyaanigu waxaa ay soomaaliya maamulaysay  in kabadan 99 sandood, dawladii noocaas ahayd waxaa maantay dalka soomaaliya laga waayey wax astaan ah oo lagu xusuusto talyaaniga, arinta ceebta ku ah talyaaniga ayaa ah in soomaaliya laga waayey qof yaqaana afka talyaaniga, waxaana taas marqaati ka ah in safiirka talyaaniga u fadhiya soomaaliya  carlo companile uu qudbad uu ka jeediyey  muqdisho uu  ku aqriyey af engilishka maadama aysan jirin qof soomaali ah yaqaana afka talyaaniga, dawladaha kale ee wax soo gumaystay  sida britain iyo france dad yowgii ay gumaysteen waxaa ay uga tageen wax muuqda sida afka , safiirka fransiiska u jooga jabuuti ama ruwanda burundi kuma qubeeyo af engilish, talyaaniga ayey ceeb ku tahay inuu afgaranwaayo dadkii uu gumaysanayey muada qarniga ahayd, dhanka kale waxaaba hada dalka soomaliya shanta kula jira oo maamusha dawlado kale, dawlada talyaaniga waxaa dalka soomaaliya uga galgal badan dawladaha qadar saudiga uk emaradka kenya xabashida usa iyo uganda, lama garanayo waxa uu talyaanigu gacmaha uga laabtay dalkii uu 100ka sano xiriirka la lahaayeen, beerihii uu talyaanigu  ku lahaan jiray soomaaliya waxaa hada ka baxa daroogada xashiishka, dhanka kale dhalinyada cusub ee soomaalida kaa yeeli mayaan lagamana dhaadhicinkaro dhulka soomaliya talyaani ayaa joogi jiray ama gumaysan jiray, xataa waxaa soomaliya ka suulay baabuurtii talyaaniga, sida fiat,  si kastaba ha noqotee talyaanigu xaq ayuu soomaliya uga lee yahay dawladaha  cusub ee soomaaliya shanta kula jira, ugu danbayntii  in safiirkii talyaaniga u fadhiya soomaaliya carlo companile uu waayo qof soomaali ah oo yaqaana aftalyaani waa siyaasad xumo ka timid dawlada talyaaniga. by xaashi

waad ku mahad santahay booqashada webka ilays.com //<:. <>Thank you for taking your time our website/ilays.com
lagala soo xiriira// ilaysnews@gmail.com

Bookmark and Share

to me :