asmaul-husna
google

uirurka xaqdhaworka soomaaliya

Mohamed_Abdullahi_Farmajo_(cropped)

Home » somali news »

G/galaal colaada xeraale iyo cadaado kee ka mudan inuu dhex dhexaadiyo ?

GALAAL IYO XERAALEDawaanahaan waxaa dagaal lagu hobtay uu ka socday magaalada xeraale, dagaalkaas ayaa u dhexeeyey dadka degaanka xeraale iyo ciidamo laga soo abaabulay dhuusamreeb,  dagaalkaas ayaa gaystay qasaarooyin isugu jira  naf iyo maal, kii u danbeeyey  waxaa uu dhacay  shalay galinkii danbe, waxaana ay guuldaro ka raacday ciidamadii ka soo duulay dhuusa mareeb, majirin sisaayiyiin iyo waxgarad ka soo jeeda dhuusamareeb oo ka hadlay dagaalka 3da toodbaad lagu hayey shacabka reer xeraale, waxaan maanatay maqalnay in wafdi uu hogaaminayo general galaal oo ka tagay dhuusamreeb ay gaareen magaalada caadaado, wafdigaas ayaa sheegay inay dhexdhexaadinayaan maamulka gal mudug iyo dagaal yahanada ku sugan dhuusamreeb, arintaas ayaa fajaciso ku noqotay dhamaan umada soomaaliyeed meelwalba ooy joogaan, wafdiga nabada raadinaya ee tagay cadaado sow kama mud nayn inay  marka hore tagaan xeraale joojiyaana dagaalka ka socda. tagitaalka uu G/galaal tagay cadaado waxaa ay u muuqataa mid uu dagaalka xeraale umada u tusayo mid ay gal mudug dabada ka riixaysay, dadka degaan xeraale wax gacan saar ah lama lahan maamulka gal mudug, intii ay dagaaladu socdeena wax gurmad ah ugama imaan galmudug, waxaa hada cadaatay in duulaanka lagu qaaday xeraale uu galaal ku lug lahaa ,sababteeda lahaa wixii dad ahaa oo dagaalkaas ku wax yeeloobay, Galaal ayaa ku caanbaxay ariamaha qabyaalada iyo iska horkeenka shacabka, g/galaal ayaa ka mid ahaa dawladii hore ee kacaanka ,waxaana uu kula kacay qiyaamooyin badan, waxaana uu ka mid ahaa kuwii dumiyey qarankii soomaaliya, waana mid maantay keentay magaaladii uu deganaa in ciidan ka baxay ay ku duulaan ku qaadaan magaalada xeraale, si kastaba ha noqotee g/galaal oo soo dhinacmaray dagaal gurigiisa ka aloosan u malayn maayo inuu cid ka fog maslixi doono, waana arin asaga ceeb ku ah ,ugu danbayn dagaalkii lagu qaaday shacabka reer xeraale waa danbe dagaal oo ka dhan ah xuquuda aadanaha, waxaana lagula xisaabtami doonaa cidii ka danbaysay dulaankaas. by xaashi

waad ku mahad santahay booqashada webka ilays.com //<:. <>Thank you for taking your time our website/ilays.com
lagala soo xiriira// ilaysnews@gmail.com

Bookmark and Share

to me :