asmaul-husna
madaxwayne farmaajo qalbi-dhagax-

Home » somali news »

leego cadaw ayaa ka guuray cadaw ayaana qabsaday

leego cadawLeego waa magaalo yar oo ku taala shabeelada hoose waxaana intii mudo ah deganaa ciidamo amosom ah waxaana ay shalay galintii danbe ku wareejiyeen ururka argagixisada ah ee shabaab,intii ay ciidamada amisom ku sugnaayeen magaalada leego waxaa ay shacabka u gaysteen dhibaatooyin dhanwalba ah, waxaana hada marlabaad shacabka degan leego argagixindoona danbiilayaasha shabaab,  ciidamada amisom iyo shabaab ayaa caado ka dhigtay inay ciqaabaan shacabka soomaaliyeed, waa arin ay soo wadeen tan iyo markii  lageeyey dalka soomaaliya,  aragtida saxda ah ee ay shacabka soomaaliyeed ka qabaan amisom shabaab ayaa ah kuwo ku heshiiyey dilista iyo daadinta dhiiga soomaalida, waa ciidamo ku midaysan inay dulaystaan shacabka soomaaliyeed, ciidamada amisom iyo kuwa shabaab ayaa la rumaysan yahay inay yihiin ciidamo isku hadaf ah oo halmeel laga maamulo, halmeena mushaar laga siiyo, sababta soomaaliya loo geyeyna ay tahay in lagu bililiqaysto khayraadkii dalka soomaaliya, ciidamada amison daawo uma ahan dalka soomaaliya, intii ay soomaaliya joogaana lama heli doono nabad iyo nolol iyo dawlad nimo, waxaa umada soomaaliyeed ku daba dheeray  rewaayada foosha xun ee ay dhigayaan shabaab iyo amisom, waxaa kale oo gudaha soomaaliya kusii kobcaya danbiilayaal soomaali ah oo aad u arxan daran, danbiilayashaas ayaa biisha oo hadana ku naaxay dhiiga shacabka, inay danbilayaashu ay si xor ah ugu noolaadaan gudaha soomaaliya waxaa sababay diidmada ay qaramada midoobay diideen inay taageeraan dawlada soomaaliya. si kastaba ha noqotee ujeedada qoraalkayga ayaa in amisom iyo shabaab ay soomaaliya ka wadaan yoolyool ay ku laynayaan umada soomaaliyeed, ugu danbayn waxaan ku talinyaa in sida ugu dhaqsaha badan soomaaliya looga saaro ciidamada amisom, kadibna waxaa lo ogaan lahaa halka ay ku dhuuntaan 100ka nin ee afka duubtay ee argagixisada. by xaashis

waad ku mahad santahay booqashada webka ilays.com //<:. <>Thank you for taking your time our website/ilays.com
lagala soo xiriira// ilaysnews@gmail.com

Bookmark and Share

to me :