asmaul-husna
madaxwayne farmaajo SHEPPARD

Home » somali news »

yaa dadka ku laynaya gudaha soomaaliya?

soomaali-gangisterGudaha soomaaliya waxaa ka socda laynta iyo ugaarsiga lagula ka cayo shacabka iyo dawlada qaybaheeda kala duwan, waxaa si khaas ah loo ugaarsanayaa shaqsi kasta oo soomaali ah oo waxtar ah, dadka la laynayo waxaa ka mid ah culumada siyaasiyiinta aqonyahanada waxgaradka dawlada wariyayaasha nabadoonada abwanada iyo fanaaniinta macalimiinta gudoomiyaasha saraakiisha iyo qofkasta oo haldoor ah, waxaa sidoo kale dilal joogto ah loo gaystaa haweenka iyo caruurta iyo danyarta, suaasha taagan ayaa ah -yaa dadka laynaya? maxaase loo laynayaa?  %99 dadka waxaa layna danbiilayaal waawayn oo soomaali  u badan oo ku sugan gudaha iyo dibada, ujeedada ay u laynayaan dadka ayaa ah mid ay ku doonayaan danahooda iyo inay ku fashiliyaan dawlad ka dhalata dalka soomaaliya,danbiilayaasha soomaalida ah waxaa gacanta u galay hanti aad u badan oo xaraan ah, danbiilayaashu waxaa ay ganacsi xaaraan ah ku haystaan  gudaha iyo dibada soomaaliya, waxaa ay gudaha soomaaliya geeyeen raashin iyo daawo dhacday iyo makiinadaha lagu sameeyo lacag soomaaliga, waxaana ay ku badasheen lacag badan oo doolar  xaaraan ah, danbiilayaasha qaarkood hantida soo gasha oo ay bishii ku xisaabtamaan ah 500,000 kun ilaa 1000,000 malyan oo doolar, gudaha soomaaliya waxaa adkaatay noloshii, waxaana meesha ka baxday noloshii dhexdhexaadka ahayd, dadku waa qof hanti badan haysta iyo qof aan dabka shidan karin, dhaqaalaha xaaraanta ah ee haystaan danbiilayashu ayaa loo adeegsadaa in amaanlagu  khalkhaliyo, danbiilayasha waxaa u adeegaya dhalinyaro yaryar oo ay noloshu la gashay, waxaana ay asamynayaan waxkasta oo meesha ka saaraya dawlad ay yeelato soomaaliya, maxaa yeelay noloshooda ayaa ku xiran qalalaasaha, danbiilayaashu wajiyo badan ayey bulshada ku dhexjoogaan,mar waxaa ay ku shaqaystaan qaab wadaad, waxaana ay dadka isu tusaan in yihiin culumo, mar waxaa ay  dadka isu tusaan hab qabiil, markaas oo ay qabiil dadka isaga horgaynayaan, danbiilayaashu wixii aan dantoodu ku jirin waxaa ay u arkaan inay yihiin cadaw,danbiilyaashu cadawgooda kowaad ayaa ah qofkii nabad iyo dawladnimo haybiya, danbiilayaashu waxaa ay gacanta ku dhigeen warbaahinta soomaalida, waxaana ay samaysteen telefishino iyo websade yo u adeega, inta badan warbaahinta soomaalida waxaa ay wararka ka qaataan danbiilayaal caalami ah  oo soomaali u badan, waxaana ay buunbuuniyaan danaha danbiilayaasha, caqli xumada haysata danbiilayaasha soomaalida ayaa ah hantida xaaraanta ah ee ay haystaan waxaa ay ku korinayaan caruur waxaana ku soo hajiyaan taasoo ah hal bacaad lagu lisay, caqlixumada kale ee haysata danbiilayaasha soomaalida ah ayaa ah waxaa ay isu haystaan inaan lala socon oo ay san ka warqabin umada soomaaliyeed , caqlixumada kale ee haysa danbiilayaasha ayaa waxaa ay guryo ka wada dhisteen wadamo ka baxsan soomaaliya, caqlixumada kale ee haysa danbiilayasha soomaalida ayaa ah uma fakaraan in soomaaliya ay yeelan doonto dawlad xoogleh oo soo celisaamaankii iyo kala danbayntii, caqlixumada kale ee ahaysata danbiilayaasha soomaalida ayaa ah ma oga in ay dhimandoonaan oo aakhiro lagula xisaabtamidoona , si kastaba ha noqotee fartiinta saxda ee loo dirayo  danbiilayaasha soomaalida ah ayaa ah marna yeysan ku fakirin inaan lala socon danbiyadooda, qofkasta oo danbiile ah waa la ogyahay, magaciisa qabiilkiisa halka uu kunoolyahay taleefankiisa wixii uusameeyey marqaatiyadii iyo magaca hooyadiis, qofna yuusan isku dayin inuu inta wax haleeyo uu hadana baxsado, sida diinta islaamku nafarayso qofka daalinka ahi ma guulayso mana baxsado waxaana uu ku danbeeyaa meel xun, ugu danbayntii  noloshaada dunida waxaa ay fiicantahay inaad nabadgaliso waxkasta oo uu ilaahay abuuray sida dadka duuryada iyo dhirta iwm, hadii nabad lagaa helo ilaahay nabad ayuu ku siinayaa, hadii nabadgalyo lagaawaayo waxaa lagugu salidayaa wax aadiga kaa xoogwayn  oo aadan iska celin karin. by xaashi

waad ku mahad santahay booqashada webka ilays.com //<:. <>Thank you for taking your time our website/ilays.com
lagala soo xiriira// ilaysnews@gmail.com

Bookmark and Share

to me :