asmaul-husna
madaxwayne farmaajo SHEPPARD

Home » somali news »

yuusuf garaad muxuu india u tagay ?

WASIIR YUUSUFWasiirka arimaha dibada soomaaliya yuusuf garaad ayaa booqday dalka hindiya, wasiirka ayaa markii uu ka soo noqday dalka hindiya saxaafada u sheegay in guul ka soo hooyey booqashadii uu ku tagay dalka hindiya, loona ogolaaday in maxaabiis badan oo soomaali ah oo ku xiran hindiya lagu wareejin doono dawlada soomaaliya, yuusuf garaad ayaa dalka ku soo noqday  asaga oo fara maran, waxaana ay dawlada hindiya ku dhaqaaqeen inay maxkamadeeyaan maxqaabiistii ay hayeen, 27 maxaabiis soomaali ah ayey xukun adag ku rideen, xukun kaas oo gaaraya min 7 sano oo xarig ah iyo 17000 oo ganaax lacageed ah, maxaa biistii kale ee soomaalida ahayd ee ku jirtay gacanta hindiya ayaa sidaas ku raja beeshay, waxaana laga yaabaa in hadana la xukumo  maxaabiista kale ee ay hayaan hindia, hadaba sida diblamaasiayadu tahay hadii ay laba dawladood isu soo dirsadaan wafuud waxaa inta badan laga wada hadlaa danaha shacbiyeed iyo siyaasadeed ee dawladwalba mida kale ka doonayso, waxaana inta badan dhacda in dawlad walba ay dawlada kale wada fuliyaan wixii la iska codsaday, hadii aan dib u jaleecno wafuudii ay dawla soomaaliya dibada u dirsatay sida socdaalkii uu raisal wasaare khayre khayre ku tagay itoobiya taasoo uu ku guulaystay inuu soo furto maxaabiis badan oo ku jiray gacanta itoobiya, waxaa kale oo xusid mudan booqashadii uu madaxwayne farmaajo ku tagay kenya taasoo uu kenya kala hadalay inay fududeeyaan socdaalka labada dal iyo xuduudaha  ay furaan iyo baasaboorka soomaaliga oo lagu tagi karo kenya waana lagu wada guulaystay, hadaba wasiirka arimaha dibada soomaaliya wax guul ah kama soo hooynin booqashadii uu ku tagay hindiya, waana mida keentay in wasiirka lagu maamuuso in la xukumo maxaabiistii ku xirnayd hindiya, inay sidaas wax u dhacaan waxaa loo aanaynayaa wasiir yuusuf oo aan khibrad balaaran u lahay xirfada wasiir arimo dibadeed, qaabka uu wasiirnimada ku helayna ayaa ahayd qaabka awood qaybsiga qabaailka, canaanta loo soo jeediyo wasiir yuusuf garaad ayaa ah mid ka dhalatay dhalinyada ay hindiya xukunka sharci darada ah ku riday, dhanka kale dawlada hindia yaa xaq u siiyey inay maxkamayso dhilyaro soomaali ah, yaase xaq u siiyey inay timaado xeebaha soomaaliya, dawlada hindiya waxaa ay ka mid tahay dawladaha sida joogtada ah u bililiqaysta kaluunka soomaaliya, dhalinyada  hindiya u xirxiran ayaa ah kaluumaysato ay ka afduubtay xeebaha soomaaliya, si kastaba ha noqotee wasiir yuusuf garaad ayaa laga yaabaa inuu dawlada hindiya kala hadlay arimo  asaga khaas u ah, maxaa yeelay hindia kuma degdegteen xukunka xaqdara ah ee ay ku riday dhalinyarada soomaaliyeed, ugu danbaytii umada soomaaliyeed waxaa kula talinayaa inay ka gudbaan qabyaalada una soo jeestaan sidii ay ku samata bixin lahaayeen dalkooda iyo dadkooda uu waraabuhu  boobayo.

by xaashi

waad ku mahad santahay booqashada webka ilays.com //<:. <>Thank you for taking your time our website/ilays.com
lagala soo xiriira// ilaysnews@gmail.com

Bookmark and Share

to me :