asmaul-husna
madaxwayne farmaajo qalbi-dhagax-

Home » somali news »

carabtu waxaay cilmi u lee yihiin sida soomaalida loo cadaabo

CADAABTA CAWAANKADadku waxaa uu cadwgiisa garan karaa marka uu garanyo asagu waxa uu yahay iyo waxa ka maqan, soomaalida waxaad moodaa inay ka lusan yihiin waxa ka maqan halka ay u raadin lahaayeen dawladnimadooda iyo halka asalkoodiika yimaadeen, dad badan oo soomaali ah  ayaa rumaysan ina nabada soomaaliya laga raadiyo dawlaha carbeed, soomaalida qaarkoodna waxaaba ay aaminsan yihiin inay yihiin dad carab ah, waana mid keentay is soomaalidu ay gacanta u galaan carab, sida xaqiiqada ah soomaalidu waa dad afrikaan ah oo degan qaarada afrika, soomaalidu %90 waa dad madow oo african ah, %10 ayaa asal ahaan ka soo jeeda umadaha carbeed, soomaalidu waxaa ay carabta wadaagaan diinta islaamka oo kaliya, carabta iyo soomaalidu ma wadaagaan dhaqanka  iyo afka iyo midabka iyo dabeecadaha, dawlaha carbeed waligood waxtar muuqda uma samayn dalka iyo dadka soomaaliyeed, dawlaha carbeed intooda badan waxaa ay waligood soomaaliya kula jireen dagaal muuqa iyo mid aan muuqan, dawlaha carbeed ma aaminsana inuu jiro dal soomaaliyeed oo xor ah, dalwlaha carbeed ayaa qaba in dhulka soomaaliya lagu kala daro dawlaha dariska ah, dawlaha carbeed waxa ay si toos ah u maal galiyaan dawlada dariska soomaaliya,dagaaladii kululaa ii ay soomaalidu lagashay dalka xabashida inta badan dawladaha carbeed waxa ay taageerayeen xabashida, ciidamada liibiya iyo yemen ayey ahaayeen kuwa furinta iga jiray dagaalka ayagoo la jiray xabashida, dawladaha carbeed waxaa kale oo ay ka qayb qaateen dumintii dawladii dhexe ee soomaaliya, markii ay dhacday dawladii dhexe ee soomaaliya dawladaha carbeed waxaa ay irdaha ka oo teen soomaalidii u qaxday, waxaa kale oo ay dawladaha carbeed xireen xoolihii loo dhoofin jiray, dawlaha carbeed waxaa ay lacag jaban ku gurteen dhuxushii soomaaliya, dawladaha carbeed soomaalida marnaba uma qadarin muslinimo iyo aadaminimo, hab dhaqanka carabtaee ku aadan soomaalida waxaa uu ahaa mid mar warba ku salaysan lugooyo, hadana soomaalidu waligeed kama daalin inay carab kabaha u qaadaan, maxaa yeelay soomaalida waxaa isaga qaldan diinta iyo carabnimada, dawladaha carbeed waxaa ay gudaha soomaaliya u soo masaafuriyeed ururo diimeedyo argagixiso ah oo xasuuq balaaran u gaystay  culumadii soomaaliyeed, ururadaas oo ay carabtu  ugu tala gashay inay soomaalida kaga lumiyaan caqiiqada islaamka iyo dhaqanka soomaaliya,dawladaha carabtu waxaa ay irdaha u fureen ganactado argagixiso ah oo dalka soomaaliya geeya raashin iyo daawoon dhacay, carabtu waxaa dalkooda  saldhig ka siiyeed shaqsi kasta oo soomaaliya wax yeelo u gaysan kara, dawlaha carbeed waxaa ay wacad ku mareen inay fashiliyaan dawlad kasta oo soomaaliya ka dhalata, dawlada cusub ee hada ka jirta soomaaliya waxaa ay ku sameeyee carqalad aad u wayn, waxaana ay u wada yeereen horjoogayaasha maamul goboleedyada, waxaana ay durba iska horkeeneen dawlada iyo maamulada, ujeed koodana waa inay meesha ka saarsaan daldhexe oo ay soomaliya yeelato, dawlada carbeed ayaga oo ka faaiidaysanaya dhaqaalo yarida haysata soomaalida eyey wax walba oo xun ku talaaleen dalka soomaaliya, si kastaba ha noqotee soomaalidu wali waxba kama baran dhaqamada carbeed, cadaawada u dhaxaysa dawladaha carbeed ayaa ah mid u baahan inay soomaalidu fahanto, soomaalidu waxaa ay ku maahmaahdaa (qofkii hooydiis qorax ku gawracay eedadadiis hoos ma geeyo) dawlada carbeed wixii ay ayagu is tari waayeen soomaali ma tarayaan, ugu danbayn soomaalida waxaa looga baahan yahay inay kala saaran cibaadadooda iyo carabnimada iyo wadaniyadooda iyo soomaalinamooda iyo siyaasadooda, waana inay ogaadaan in dawlaha carbeed ay ku fog tahay cadaawada ay u qabaan dalka iyo dadka soomaaliyaad. by xaashi

waad ku mahad santahay booqashada webka ilays.com //<:. <>Thank you for taking your time our website/ilays.com
lagala soo xiriira// ilaysnews@gmail.com

Bookmark and Share

to me :