asmaul-husna
madaxwayne farmaajo qalbi-dhagax-

Home » somali news »

maamul goboleedyada maxaa uga ifay bariga dhexe

maamul goboleed qaribanWaxaa miro dhalay mawqifkii loo sameeyey maamul qabiileedka ka jira dalka soomaaliya, maamuul goboleedayu waa wax loogu tala galay in dalka soomaaliya lagu qabsado laguna kala kaxeeyo umada soomaaliyeed, fikrada maamul goboleeyadu ma ahan mid ka soo fushay shacabka soomaaliyeed,waxaana ay ka soo fushay gumastihii markii horeba soomali u qaybiyeey 5 ta waa xood, markii lasamaynayey maamulgoboledyada qayla dhaan fara badan oo ka soo yeeraysay indheer garadka soomaaliyeed ayaa dhagaha laga furaystay, marki la dhisay maamulgoboleedyada waxaa ay martiqaad ka heleen xaruntii hoyga gumaysiga aduunka ee london uk, halkaas oo ay kula kulmeen madax iyo masuuliyiin reer britain ah, ujeedada ay dawlada britain ugu yeertay maamul goboleedyada soomaaliya ayaa ahayd mid ay awooda dawlada dhexe ee soomaaliya ay hoos ugu dhigaysay, shirkii london waxaa lagu wada mari qaaday horjoogayaasha maamugoboleedyada iyo dawlada dhexe ee soomaaliya, wixii maalinkaas ka danbeeyey waxaa ay maamul goboleedyadu xaqiiqsadeen inay yihiin dawlado ka madax banaan soomaaliya oo cidii ay rabaan la heshiin kara ama diidi kara, maamul goboleedyadu waxaa ay noqdeen marin loo soomaro cidii doonaysa inay dumiso dawlada soomaaliya, dawlad goboleedyadu waxaa ay durba dhinac mareen heshiisyo badan oo ay dawlada dhexe ee soomaaliya lagashay dawlado iyo shirkado, dharbaaxadii u danbaysay  ee dawlada dhexe ee soomaaliya ka soo gaarta dawlad goboleedyada ayaa ahayd mowqifkii ay ka qaadatay muranaka u dhexeeya dawladaha carbeed, maamul goboleedyada ayaa si toos ah ula saftay qaar ka mid ah dawladaha carbeed, halkaas waxaa ka cad inaysan jirin dawlad dhexe oo awood leh oo isku haysa jamhuuriyadii xorta ahayd ee soomaaliya, dhabarjabkaas ku dhacay dawladii dhexe ee soomaaliya waxaa ka faaiidaystay dawlada xabashida oo mudo qarniyo ah ay soomaaliya col ahaayeen,waana mid u muuqata kala qaybinta soomaaliya inay ahayd mid loogu danaynayey maamulka ithiopia, horjoogashaa maamul goboleedyada ayaa saldhig ka dhigtay xarunta adis ababa ayagoo ka cararaya xarunta muqdisho, horjoogayaasha maamulgoboleedyada ayaa awood been ah ka helay maamulka xabashida iyo hayado shisheeya, si kastaba ha noqotee waxaa ii muuqata inay soomaaliya cagaha la sii galayso xaalado mugdi ah oo aan la saadaalin karin halka ay ku danbayndoonto, shabacka soomaaliyeedna mahan kuwo u diyaarsan inay u istaagan toosinta dalkooda, waxaa ay soomaalidu wali xiiso badan u qabaan arimihii qabyaalada ee horay u lumiyey, ugu danabyntii waxaan si toos ah u cambaaraynaynaa awooda khaladka ah ee la siiyey doqomada horjoogayaasha maamul goboleedyada, waxaan leenahay waa inay shacabka soomaaliyeed ka hortagaan kala taga ay wadaan maamul goboleedyadu, hadii kale waxaa ay soomaalidu geeska afrika ku noqon doontaa kurdi.

by xaashi

waad ku mahad santahay booqashada webka ilays.com //<:. <>Thank you for taking your time our website/ilays.com
lagala soo xiriira// ilaysnews@gmail.com

Bookmark and Share

to me :