asmaul-husna
madaxwayne farmaajo qalbi-dhagax-

Home » somali news »

masaakiin kibtrtay yaa u maqan

miskiin kibray yaa u maqanWaa kuma miskiin ? miskiin waa qof waxa uu haysto aysan ku filnayn ama waxba aanan haysan oo u baahan gurmad, masaakiintu waxaa ay u qaysantaa laba qaybood oo kala ah- masaakiin wixii uu helaan isku filaysiiya iyo masaakiin wixii ay helaan ku kibra, hadaba ilaahay ma jecla masaakiinta kibra.

Maatay qoraalkayga waxaan ku soo qadanaynaa soomaalida masaakiinta ah ee ku nool qurbaha, wadamada qurbaha waxaa ku nool kumaankum ruux oo soomaali ah oo aan haysan dhaqaale ay guri ku kiraystaan iyo wax ay ku noolaadaan, dadkaas waxaa wax siiya hayadaha cayrta kaaba, waxaana la siiyaa xooga lacag ah oo ay naftooda ku dabaraan, hayada cayrtu dhaqaalaha ay siiso dadkaas kuma filna %100, waxaana ay dadkaasu noloshooda ku kaabaan daymo ay ka helaan soomaalida kale ee wax haysata, hadaba arimaha iga yaabiyey ee aan ku arkay dadkaas cayrta ah ayaa ah arin qofkii loo sheego uu ka argagaxayo,waxaad arkaysaa qof aan waxba haysan oo ay cayrtu wax siiso oo gaari aad qaali u ah soo daynsaday oo hadana gogol aad qaali u ah oo 12 kun oo doolar ah dayn ku soo qaatay, oo hadana bil kadib gogoshii oo cusub qashin qubka dhigay oo hadana raadianaya gogol kasii qaalisan, waxaa laga yabaa qofka sidaas yeelaya inuusan dabka shidan oo uu baahan yahay, hadii aad wax ka waydiisi waxa ku kalifay inuu sidaas wax yeelo waxaa uu kuu sheegayaa inuu ugu faanayo kuwe kale oo aan iska badalin guriga, dadyowga ay soomaalidu martida u yihiin ayaa gurta alaabta cusub ee ay soomaalidu soo daadiyaan, arinata mucjisada ah dadka sidaas waxyeelaya ayaa ahkuwo ay wax siiso hayada cayrtu, dadkaasu caruurtoodu waxaba ma haystaan, soomaalidaas masaakiinta ahi noloshooda aduunyo waxa ay ku soo koobeen gaari cusub iyo gogol cusub oo qaali ah, dadkaasu kama aysan fakarin waxa ay haystaan iyo waxa ay u baahan yihiin, dadkaasi waxaa ay u muuqdaan masaakiin qaaqawan oo qabwayn, dhaqaale burbrurinta soomaalida qurbuhu waa ka siman yihiin, mana ahan soomaalidu kuwo ku fakara inay wax qabsadaan, dhaqaale burburinta soomaalida ku nool qurbaha waxaa ka dhashay in ubadkoodii ay u waayeen wax ay siiyaan dabadeedna ay caruurtii daroogo risaq ka doontaan, ubadka u badan ee daroogada ka shaqaysta qurbaha ayaa ah ubadka soomaaliyeed,waalidiinta dhalay caruurta ayaa ah kuwo aanan awoodin inay wax ka qabtaan dhibaatada haysata ubadkooda, daymaha loo haysto ayaa ah kuwo aysan iska bixin karin, walina waxaa ay ku fakarayaan sidii ay u dayman lahaayeen gaari cusub iyo gogol cusub oo qali, soomaalida qubaha ku nool ayaa u nool qaab qiyaali ah oo aan ka tarjumayn nolosha aduunyada, soomaalidu ma maalgaliyaan dalkoodii , waxaa ay dhaqaalahooda %90 ku bixiyaan faanfaan iyo halagaasheego, kuwa cayrta ah ee ku fakaraya inay bil walba helaan gogol qaali ah iyo gaari qaali ah ayaa ah kuwo msaakiin ah oo hadana kibirsan, si kastaba ha noqtee waxaa aadanaha ugu caqli xun qof marti ah oo seexday dariiq ay baabuutu maraan, soomaalida qurbuhu waa maasaakiin kibir taabtay oo aan garanayn dantooda. by xaashi

waad ku mahad santahay booqashada webka ilays.com //<:. <>Thank you for taking your time our website/ilays.com
lagala soo xiriira// ilaysnews@gmail.com

Bookmark and Share

to me :