asmaul-husna
madaxwayne farmaajo qalbi-dhagax-

Home » somali news »

maxay isu yihiin shabaab iyo amisom ?

amisom iyo shabaabWaxaa cad oo uusan daah saarnayn waxa ka dhexeeya amisom iyo shabaab, marar badan ayaa horay uga soo hadalnay gacansaarka ka dhexeeya laba daan ciidan, dad badan oo soomali ah ayaa u haysta in shabaab iyo amisom ay yihiin ciidamo cadow isu ah, laakiin arinku sidaas ma ahan, amisom iyo shabaab waa hal ciidan oo isku meel laga xukumo, halmeelna mushaar kawada qaata, waxaa taas u daliil ah sida ay ciidamaasu uga wada hawlgalayaan dalka soomaaliya, waxaa la yiri 35kun oo amisom ah iyo 150 ruux oo shabaab ah ayaa soomaaliya isku haya, taasoo aan macquul ahayn, amisom iyo shabaab wax dagaal ah kama dhexeeyo, waaana ciidamao isku hayb ah, amisom iyo shabaab waxaa ay ku midaysan yihiin lu gooyda dalka soomaaliya, waxaa ay si joogto u laayaan shacabka soomaaliyeed, miinada iyo qaraxyada iyo madaafiicda lagu ajarayo shacabka ayey  joogto ka dhigteen amisom iyo shabaab, dilalkii iyo qaraxyadii u danbaysay ee ay gaysteen ayaa ahaa kii ay ku fuliyeed bariire iyo muqdisho , dhamaan waxa qarax yadaas ku waxyeeloobay waxaa ay ahaayeen shacab soomaliyeed, ciidamada amisom ayaa ah kuwo fududeeya meel kasta oo ay qarxin doon argagixisada shabaab, ciidamda amisom ayaa joogitaanka soomaaliya ku qaata malaayiin doolar, ciidamada amisom dalka soomaaliya waxaa ay u joogaan dano dhaqaale oo jeebkooda ah, una danayn maayaan dadka soomaaliyeed, ciidamada amisom waxaa ay caqabad ku yihiin ciidamadii xooga dalka soomaaliyeed, ciidamada amisom waxaa ay sababeen in ciidamadii soomaaliga ay gaajo u kala cararaan, ciidamada soomaaliya ayaa ah kuwa awooda u leh inay soo qabtaan 150ka danbiile ee afka duuban oo shacabka dulaystay, si kastaba hanoqtee anigu xal uma arko inay amisom sii joogaan dalka soomaaliya, intii ay amisom soomaaliyeed joogeen waxaan ku aragnay  ciyaar dhuumaalaysi ah oo ay wada ciyaarayaan ayaga iyo saxiibadood shabaad, taasna waa ay ka daaleen shacabka soomaaliyeed, umada soomaaliyeed waxaa ay ogaadeen inaysan waxba u kala duwanayn shabaab iyo amisom, si kastaba hanoqotee guuldarada ku dhacday dalka iyo dadka soomaaliya waxaa sababteeda iska leh soomaalida oo iska dhaafi waayey ku dhaqanka qabyaalada iyo musuqmaasuqa iyo dabadhilifnimada, waxaana ilaahay dhaxalsiiyey soomaalida inay noqdaan kuwo lagu dulaysto dalkoodii hooyo. by xaashi

ujeedada soomaaliya

waad ku mahad santahay booqashada webka ilays.com //<:. <>Thank you for taking your time our website/ilays.com
lagala soo xiriira// ilaysnews@gmail.com

Bookmark and Share

to me :