asmaul-husna
madaxwayne farmaajo qalbi-dhagax-

Home » somali news »

soomaaliya kuma haboona in laga qaado cunaqabatayn ta hubka

hubDalka soomaaliya waxaa ka jira qalaase farabadan oo mudo dheer socday,qalalaasahaasna waxaa fure iyo xire u ah soomaalida, dadka soomaaliyeedna ma ahan kuwo u diyaarsan inay dawlad helaan, dadka soomaaliyeed waa dad wali hamuun u qaba qabiilka iyo in qolo qolo loo noolaado, dalka soomaaliya waxaa dhexyaala hub aad u fara badan, hubkaas ayaa isugu jira kii dawladii hore iyo mid ay dawlado bixiyeen iyo mid ay qabiilooyinku soo iibsadeen, hubka yaala soomaaliya waxaa uu 50 jibaar ka badan yahay soomaalida ku nool  guadaha soomaaliya, isku celcelin hubka yaal soomaaliya waxaa qofkasta oo soomaali ah ku soo hagaagaysa 46 qori oo isugu jira hub fudud iyo mid culus, hadii laga qaado cunaqabaynta hubka waxba badan ma soo kordhinayso , xaaladuna waa ka sii draysaa ayaa qabaa, saanad kasta oo la siiyo dawlada soomaaliya waxaa ay si dhaqso ah gacanta ugu galaysa cadawga soomaaliya, waxaana lagu kala iibsanayaa suuqyada, hadii aan dhan kale u dhigno  hubkasta oo lageeyo soomaaliya xaaf qaraabte waxaa uu ka rabaa qaybtiisa mana doonayo qaran soomaaliyeed, runtii dad badan oo ka tirsan dawlada soomaaliya ma ahan kuwo nadiif ah , waxaana  ay u joogaan inay qaribaan dawlada, argagixisada shabaab waxaa ay ku dhexmilan yihiin xildhibaanada wasiirada laamaha amaanka iyo bulshada qaybaheeda kala duwan, argagixisada waxaa u adeegayana oo la shaqaynaya waa shacabka soomaaliyeed, kii danbi lagu helana waxaa loogu hiilinayaa hab qabiil, soomaaliya hada mahan markii ay u baahnayn in hub la geeyo, soomaalidu waxaa ay u baahan tahay inay wada hadlaan oo ay ka tashadaan inay kala tagayaan iyo inay dawlad dhisanayaan, ma ahan in loo noolaado boob iyo bililiqo boohin isku jirta, si kastaba ha noqotee hubkii u danbeeyey ee soomaaliya soo gala waxaa uu ka soo degay g/bari ,cidii keentay iyo meesha loo waday waa lagaranayaa laakiin ayadoo  la maamuusayo habka  qabiilka  ayaa laga qaabsay. ugu danbayntii soomaaliya uma baahna hub danbe oo la geeyo ciida soomaaliya. by xaashi

waad ku mahad santahay booqashada webka ilays.com //<:. <>Thank you for taking your time our website/ilays.com
lagala soo xiriira// ilaysnews@gmail.com

Bookmark and Share

to me :