asmaul-husna
madaxwayne farmaajo qalbi-dhagax-

Home » somali news »

wariyayasha soomaalida oo maskaxda ka wada jiran

wariye-marANWarbaahinta soomaalida soomaalida ayaa noqotay mid ugu wayn ee soomaalida ka hortaagan horumarka dalka iyo dadka, warbaahinta soomaalidu waxaa ay noqotay mid aan qasaaro maahane aan faaiido u lahayn umada soomaaliyeed, arimada ay marwalba ka hadlaan warbaahinta soomaalidu ayaa ah mad caajis ku rida shacabka soomaaliyeed, baarnaamijayada ay soo bandhigaan wariayayaashu ayaa ah kowo had iyo jeer keena niyad jab iyo kala fogaasho umada soomaaliyeed, wariayayaasha  ka shaqeeya telefishinada iyo radiyaasha iyo kuwa qora websaideyada ayaa wada ah kuwo ay maran tahay maskaxdoodu aqoona aan u lahayn xirfada wariyanimo, waxaana aan filayaa inay dhamaantood ka xanuunsan yihiin xaga maskaxda, inay wada xanuunsan yihiin soomaalidu waxaa caday u ah insan aqoon barnaamijyada ay soo bandhigayaan inuu yahay mid faaido u leh soomaalida iyo in kale, caqliga xanuusan ee wariyayaasha soomaalidu waxaa uu ku salaysan yahay inta qof ee soo booqatay warkiisa, wariayaasha soomaalidu ma soo bandhigaan wax anfac u leh dalka iyo dadka soomaaliyeed, diirada waxaa ay had iyo jeer saaraan barnaamijyo qofkii dhagaysa ama daawada ama aqrista uu noqonayo inuu xanuunsado ama caroodo, kuwa ka shaqeeya warbaahinta soomaalidu ma ahan kuwo wadaniyiin ah, waxaana ay u qaybsan yihiin kuwo hunguri u galay warbaahinta iyo kuwo argagixiso ah iyo kuwo u adeega umado shisheeye, kuwa ka shaqeeya warbaahinta waxaa ay soomaalida ilowsiiyeen wadaniyadii iyo wadadhalashadii umada soomaaliyeed, lama garayo waxa isku soo beegay waqtigaan wariyaashaan xanuusan iyo qalaasaha ka jira soomaaliya,marxalada uu ku jiro dalka soomaaliya ma ahan mid ay la jaanqaadi karaan wariya ku sheega ka shaqeeya warbaahainta soomaalida, arimaha xanuunka badan ee aan ku nacay warbaahinta soomaalida ayaa ah = waxaad arkaysaa shacabkii oo u dhagtaaga inay ogaadaan waxa ka jira dalkooda ayaa wariyahu  soo bandhigayaa barnaamig ku saabsan caruurta madaxwaynaha uganda musavani tiradooda iyo meesha ay ky dhasheen iyo sida ay u kala wayn yihiin, ama geela boqorka sucuudiga tiradiisa, warbaahinta soomaalidu waxaa ay %99 soo bandhigaan wax aan dani ugu jirin dalka iyo dadka soomaaliyeed, kama hadlaan biliqda ka socota badda iyo bariga soomaliya, kama hadlaan xabashida ku soo guurtay dalka soomaaliya, kama hadlaan waxa sababay in 100 nin oo argagixiso ah ay xukumaan gobolo badan oo soomaaliya ku yaala, kama hadlaan waxa ay ciidamadan faraha badan ee amisom ay ka qabtaan gudaha soomaaliya, kama hadlaan diyaarahaan shisheeye ee duqaynta ku wada soomaaliya, kama hadlaan waxa soomaaliya u diiday inay dhisanto dawlad, kama hadlaan foolxumada ay qabyaaldu leedahay, kama hadlaan foolxumada ka jirta xalane, kama hadlaan sunta lagu shubayo soomaaliya, kama hadlaan ubadka soomaaliyeed ee la beecgaynayo, kama hadlaan ganacstada burcada ah ee shacabka dhiiga ka miiraysa, kama hadlaan wanaga uu lee yahay xoriyadu, shacabka kuma baraarujiyaan wanaaga uu leeyahay dalkoodu, waxaa ay shacabka kala dagaalaman inay heshiiyaan, waxaa ay had iyo jeer buunbuuniyaan wax yaalo wax u dhimaya maskaxda shacabka soomaaliyeed, waxaana ay marwalba amaan huwiyaan cadawga umada soomaaliyeed, laba nin oo orormo ah oo lagu dilay hargaysa ayey kawarameey halka 40 ruux oo soomaali ah  oo lagu xasuuqay gudaha itoobiya ay ka gaasadeen, si kastaba ha noqotee 6 qofood oo waryayaal ah ayaan isleenahay xoogaa waxaa ku jira wadaniyad iyo xishood, laakin intooda kale waxaan u arkaa dad ka xanuun sanaya xaga maskaxda, ugu danbayntii wariyanimadu ma ahan mid uu qofwalba iska sheegan karo, wariyanimadu waxaa ay u baahan tahay in la barto habka ay u shaqaso, waxaana loo galaa jaamacado.dhanka kale qofka wariyaha noqonaya waa inuu yahay qof caqli ku filan leh hadaxishooda. by xaashi

waad ku mahad santahay booqashada webka ilays.com //<:. <>Thank you for taking your time our website/ilays.com
lagala soo xiriira// ilaysnews@gmail.com

Bookmark and Share

to me :