asmaul-husna
madaxwayne farmaajo qalbi-dhagax-

Home » somali news »

danbiilayaal nasiib badan oo ku nool soomaaliya

criminalDalka soomaaliya waxaa uu hoy u noqday danbiilayaal waawayn oo caalami ah, danbiilayaasha ku nool soomaaliya ayaa tacadiyo dhanwalba ah u gaystay dad badan oo shacab ah, waxaa dalka soomaaliya ka suurta gashay shaqsi soomaali ah oo xasuuqay dad aad u badanoo soomaali ah uu si nabad ah isaga noolaado, waliba waxaa dhacday in danbiilayaasha qaarkood ayba nodeen masuulyiin sar sare sida (beeldaajiye wasiir ama xildhibaan ama xaakin, danbiilayaasha ayaa noloshooda ku ilaalinaya caymiska qabiilka, waxaa suurta galiyey in danbiiluhu uu si xor ah ugu noolaado dalka soomaaliya ayaa ah dawlad la,aanta  jirta, dunida kale ee aan ku nool nahay ma suurto gasho in qof danbiile ah uu iskiis u noolaado, dabiilayaasha soomaalida ahi waxaa ay gaareen inay dibadaha u dhoofaan, qaar badan oo aan dibadaha ku arkay waxaa ka muuqday calsooni daro, waxaana ay ka raad gadanyeen meelaha  ay soomaalidu ku badan tahay, sida caadiga ahi qofka gacan ku dhiiglaha ahi mahaysto kalsooni ku filay, waxaaana uu noloshiisa ku madadaaliyaa caymiska qabiilkiisa, danbiilayaasha ku nool soomaaliya ma ahan kuwo dad dilay oo kaliya, waxaa jira kuwo muqalisiin ah, kuwo galay qiyaamo qaran, kuwo caruur ka iibsaday ajaanib, kuwo boobay hanti aysan lahayn, kuwo kufsi gaystay, kuwo diinta islaamka ku gafay, kuwo qaran dumis ah, kuwo xabashi u shaqeeya, kuwo dabadhilif ah, kuwo ganacsi ku dhacay shacabka, kuwo lacagaha beenta ah sameeya, kuwo aragagixiso ah, iyo kuwo badan oo kale, si kastaba ha noqotee waa la og yahay tirada danbiilayaasha harsanaya dalka soomaaliya, lagamana yaabo inuu mid ka mid ah ka fakado danbiga uu galay, waxaa xaqiiqo ah in danbiile kasta oo soomaali ahi lahayo magaciisa iyo qabiilkiisa iyo halka uu ku nool yahay iyo taleefanka uu isticmaalo, waliba  subax iyo habeenba waa la soo kormeeraa xaaladiisa, ha gaarte waxaa danbiilayaashaas la marin doonaa ciqaab ka daran mid ay u gaysteen dalka iyo dadka soomaaliyeed, inta ka horaysa been been ha isaga noolaadan. by xaashi

waad ku mahad santahay booqashada webka ilays.com //<:. <>Thank you for taking your time our website/ilays.com
lagala soo xiriira// ilaysnews@gmail.com

Bookmark and Share

to me :