asmaul-husna
madaxwayne farmaajo qalbi-dhagax-

Home » somali news »

soomaalida kuwee danay naya dawladnimda

dawlad diid iyo danyarDad badan oo soomaali ah ayey dhibaato ku tahay in soomaaliya ay hesho deganaasho iyo dawladnimo, dadkaasu  waxaa ay marwalba ka shaqeeyaan waxkasta oo keeni kara qalalaase iyo amaandaro, dadkaas waxaa noloshoodu ku xiran tahay in soomaaliya aysan waligeed dagin, hadaba dadkaasu maxay ku diidayaan amaanka iyo dawladnimada? dadkaasu waxaa ay haystaan xoolo badan oo xaaraan ah oo ay si dadban iyo si toos ah ku soo galay, dadkaasu waxaa ay ka ganacsadaan dhiiga shacabka masakiinta ah, waxaa ay dalka soomaaliya geeyaan raashin iyo daawooyin dhacay, qaarkoodna waxaaba ay sameeyaan lacagaha faalsada ah, qaarkood waxaaba dalka ugu abuuran dalagyo daroogo ah, qaarkood waxaaba u kiraysan guryihii dawlada iyo guryo dadkii lahaa laga dhacay, qaarkood waaba gacan ku dhiiglayaal oo waxaa ay ka baqayaan in hadii dawladi dhalati in la qabto, qaarkood hab qabiil qabiilqabiil ayey wax ku helaan, qaarkood dhaqaale ayey ku helaan qarxinta iyo qaribida umada,iskuwada duub kuwaan aan sheegnay iyo kuwo kale oo ka sii badan waxaa ay danaynayaan inaan soomaali waligeed dawlad ka dhalan,hadaba waa kuwee kuwa danaynaya dawladnimada, kuwa danaynaya dawladnimada ayaa ah dadka danyarta ee aan heli karin nololmaalmeedkooda, dadka danyarta ah ayaa dalka soomaaliya loogu gaystaan xadgudubyo dhan walba ah, qaarkood waxaa xoog looga qaatay  guryihii ay lahaayeen, qaarkoona ubadkoodii ayaa hortooda lagu dilay,  qaarkoodna ubadkoodii ayaaba la kaxaysatay, si kastaba ha noqotee waxaad mararka qaarkood arkaysaa soomaalidii qaribaka waday iyo kuwii danyarta ahaa oo wada qadaya heesta wadanig ah ee ah soomaaliyeey toos toosa oo isku tiirsada, taasoo ay danbiilayaashu ku samaynayaan boor isku qarin, hadaba suaasha taagan ayaa ah soomaalida intee rabta dawladnimo iyo kala danbayn? danbiilayaasha marka lagu daro qabyaaladiistayaasha waxaa %80 badan kuwa aan dawladnimada diidan, ugu danbayn waxaa nasiib wanaag ah inaan wada naqaan dhamaan danbiilayaasha uu dalka soomaaliya ka dagi waayey, in kastoo ay qaarkood dhinteen ayaga oo aan maxkad lagayn,

by xaashi

waad ku mahad santahay booqashada webka ilays.com //<:. <>Thank you for taking your time our website/ilays.com
lagala soo xiriira// ilaysnews@gmail.com

Bookmark and Share

to me :