asmaul-husna
madaxwayne farmaajo qalbi-dhagax-

Home » somali news »

maamulka tigreega oo isir sifayn ka wada soomaali galbeed

bashiir-axmad-maqtal-e1444708682324 (1)Maamulka cadawga soomaalida ah ee tigreega ayaa dhulka soomaaligalbeed iyo dibadaha ka wada isir sifayn iyo soomaali sifayn, inkastoo aysan xabashidu kala jeclayn soomaalida hadana waxaa ay si joogto ah u xasuuqdaa beel ka mid ah beelaha dega gobolka soomaali galbeed, maamulka wayaanuhu waxaa si,aan gabasho lahayn ay u ugaarsadaan beesha ogaden oo ah beesha ugu badan beelaha dega gobolka soomaali galbeed, maamulka dargigu waxaa uu beeshaas ka dhigay  mid ay dilaan iyo mid ay xiraan iyo mid khasab ugu adeegtaan, dhibaatada uu gumaysigu ku hayo beeshaas kuma eka gobolka soomaali galbeed oo kaliya, ee waxaa ay ku ugaasadaan wadamada dariska sida kenya iyo soomaaliya iyo jabuuti, dad badan oo beeshaas ka tirsan ayaa dawlaha darisku ay u soo gacan galiyeed maamulka xabashida, xabsiyada xabashida waxaa buux dhaafiyey maxaabiil badan oo ka soo jeeda beeshaas, xataa jeelasha qaarkood ayaa lagu magacaabaa (jeel ogaadeen,) dadka ay xabashidu ka soo ugaarsadeen dawlaha dariska ah waxaa ka mid ah bashiir axmad maqtal oo ahaa mawaadin soomaliyeed oo haysta dhalashada dalka canada, ninkaas ayey dawlada kenya u gacan galisay maamulka xabashida, bashiir ma ahayn nin siyasad ku lug laakiin waxaa ay xabashidu u qafaasheen bashiir oo ahaa ogaden iyo reer maqtal daahir oo ahaa dad u ololeeya gobanimada soomaali galbeed, bashiir maqtal waxaa uu gacanta xabashida ku jiraa in kabadan 12 sano, ninkii u danbeeyey ee ay xabashidu ka ogaarsatay soomaaliya waxaa uu ahaa cabdi kariin qalbi dhagax, ninkaas ayey xabashidu kala tagtay magaalada muqdisho, xabashida ayaa beeshaas ugu marmarsootay inay yihiin beel cadaw ah, laakiin beeshaasu waxaa ay ka dhiidhisay duliga uu wayaanuhu ku hayo  shacabka soomaali galbeed, beelo badan oo wax ka dega soomaali galbeed ayaa isu arka inay beesha ogaden ka nasiib badan yihiin oo ay ayagu xabashidu jeceshahay, laakiin arinkuse sidaas ma, ahan, xabashidu soomaalida maka kala jecla , laakiin waxaa ay kala hormarinaysaa xasuuqooda, dhibaatooyinka ay xabashidu ku hayso beesha ogaden waxaa lagaarsiiyey  oo og  unka qarama midoobay midowga yurub hayadaha xuquuqda insaanka jaamacada carabta iyo midowga afrika laakiin dhagaha ayaa laga furaystay, kumaankum ruux oo  ka soo cararay  xasuuqa wayaanaha ayaa daadsan xeryaha qoxootiga ee kenya iyo uganda iyo yemen iyo meelo badan kale walina waxba looma qaban, waxaa ay dadkaasu xaq u laaheeyeen in la siiyo magangalyo caalami ah, si kastaba ha noqotee dhibaatada beeshaas lagu hayo waxaa gobolka soomaali galbeed dhexdiisa ka fuliya ciidamo xabashi oo loo yaqaan leyuu bolice oo uu hogaamino xabashigii cabdi ilay, ugu danbayn dadka maalinwalba lagu xasuuqo gobolka soomaali galbeed waxaa ay %70 yihiin beesha ogaden, waana arin aad looga xumaado waxa ay xabashidu ku samaynayaan walaalaheen soomaaliyeed. by xaashio

 

waad ku mahad santahay booqashada webka ilays.com //<:. <>Thank you for taking your time our website/ilays.com
lagala soo xiriira// ilaysnews@gmail.com

Bookmark and Share

to me :