asmaul-husna
madaxwayne farmaajo qalbi-dhagax-

Home » somali news »

soomaalidu ma ayada isdilaysa mise waa la dilayaa

ISDIL27kii sano ee la soo dhaafay dalkaa soomaaliya kama jirin wax dawlad ah, waxaana soomaaliya ka socday qulqulatooyin badan oo waxyeelo naf iyo maalba ah u gaystay soomaalida, malaayin soomaali ah ayaa isaga qaxday dalka soomaaliya, malaayiin ruux ayaa lagu dilay gudaha soomaliya, kumaankum soomaali ah oo ayaga oo tahriib ah baddu liqday, soomaalidu waxaa ay nabadgalyo u doonteen wadamada ku yaal aduunka oo dhan oo ay ku jiraan xabashi iyo ruush iyo kuubo, waxa soomaalida qixinayey ama u diiday inay dowlad dhistaan wali waxba la iskama waydiin, soomaali kasta oo aad waydiiso waxa ku dhacay dalkooda ama uu ka qaxayaa waxaa uu kuu sheegayaa in dalkooda lahayso oo dibada looga soo duulay, dalkoodiina ay maamushaan umado shisheeye, hadaba hadalkaas soomaalidu run kama sheegin, wadanka soomaaliya waxa u diiday inuu dego waa soomaaliyda, waxa diiday in dawlad loo dhiso waa soomaalida, waxa isdilaya waa soomaalida,waxa dhulkooda iibinaya waa soomaalida, waxa xasuuqaya shacabka waa isla soomaalida,  waxa isqixinayna waa soomaalida, waxa xabashi u kala dhuumanaya waa soomaalida, kuwa qarxinaya suuqyada waa soomaali, kuwa soomaaliya ku abuuray daroogada waa soomaalida, kuwa ubadka soomaaliyeed dibada iibgaynaya waa soomaalida, kuwa magafaha u shaqaynaya waa soomaalida, kuwa qabyaalada qaran ka dhigtay waa soomaalida, kuwa ceeboobay oo hadana cabanaya waa soomaalida,kuwa ajaanibta geeyey soomaaliya waa soomaalida, wixii ka xumaaday dalka iyo dadka soomaaliyeed waxaa masuuliyadeeda iska leh soomaalida, waxa aan wali israbin oo wali kala cararaya waa soomaalida, kuwa jecel inay musuqmaasuqku noolaadaan waa soomaalida,kuwa danta mooday inay soomaaliya waligeed burbursanaato ayaa ah soomalida, ma jirto cid dalka soomaaliya haysata, waxa ay wax walba ka socon waayeen ayaa ah soomaaliya, marka yey soomaalidu  been isugu sheekay, soomalidu dhab kama ahan inay duliga ka baxaan,soomalidu waxaa ay dan moodeen in dalkoodu uu sidaas ahaado waa soomaalida ,soomaalidu waxaa ay diin iyo dabeecad ka dhigteen qabyaalad iyo musuqmaasuq, si kastaba ha noqotee, soomaalida qaarkeed ayaaba jecel in bariga iyo badda qaarkood ay iidsadaan, waxaana hada caado iska noqotay inaan lala yaabiin qofkii qaranka iibsada, waxaa kale oo caado iska nooqtay in danbiile dad laaye qabiil lagu difaaco, ugu danabyn soomaalidu yeysan cabanin wixii dhacay ayadaa dhigtaye. by xaashi

waad ku mahad santahay booqashada webka ilays.com //<:. <>Thank you for taking your time our website/ilays.com
lagala soo xiriira// ilaysnews@gmail.com

Bookmark and Share

to me :