asmaul-husna
google
Mohamed_Abdullahi_Farmajo_(cropped)

mawliid

Home » somali news »

axmad cali cigaal muxuu amxaaro ka doonay

axmad cali cigaalWaxaa maamulka itoobiya tagay fanaankii qaranka soomaaliya axmad cali cigaal, fanaanka ayaa tagay xarunta leyuu bolecka ee jig jiga, fanaanka ayaa amaan kala duldhacay maamulka xabashida iyo xarunta uu cabdi elay ku cadaabo soomaalida ee jigjiga, sidoo kale fanaanka ayaa sheegay inuu ku dhshay soomaali galbeed, fanaan axmad cali cigaal waxaana la soconaa sidii uu qurbaha u yimid in uusan ku noqon dalkii soomaaliya, waxaa la filayey in fanaanku uu booqdo dalka soomaaliya oo uu qadarin buuxda ku lee yahay, booqashada uu axmad cali ku tagay itoobiya waxaa ay niyad jab ku keentay farxadfii loo qabay fanaanka, fanaanka ayaa sida uu hadalka u dhigayey mujiyey sida uu ugu faraxsan yahay hab dhaqanka gumaysiga haysta shacabka soomaali galbeed, axmad cali cigaal ma uusan tagin muqdisho iyo magaalo kale ee oo soomaaliya ku taala, fanaanka ceeb ayey ku ahayd inuu tago meel lagu gumaysto walaalihiis soomaaliyeed oo uu waliba heeso ka qaado, waxaa jira magaalooyin badan oo looga baahan yahay araga iyo codka axmad cali cigaal waana soomaaliya, axmad cali cigaal fanka iyo magaca uu lee yahay kuma helin itoobiya dhexdeed, axmad waxaa uu ku soo caan baxay magaalada muqdisho, mana tagin, axmad hadii uu caasimada itoobiya adiisababa tago kana aado meel kale wax la gartay ayey ahaan lahayd, laakiin axmad cali cigaal ceeb ayey ku ahayd inuu ka dhex dhaanteeyo  dhul lahaysto  oo lagu cadaabayo walaalihiis soomaaliyeed, fanaanku waxaa uu tagi karaa soomaali galbeed waqtigii ay ka xoroobaan gumaysiga xabashida, waxaa kale oo uu gobolkaas tagi karaa asaga oo la dagaalamaya gumaysiga amxaarada, si kastab ha noqotee waxaa soomaalida ceeb ku ah in mid kasta oo madax ah magac ku leh bulshada dhexdeeda lagu casuumo gobolka ay xabashidu lumisay ee soomaali galbeed, ugu danbayntii axmad waxaa uu aad uga caraysiiyey tageeraayiishii fanka, waxaana fanaaniinta iyo siyaasiyiin uga digaynaa inay tagaan gobolka soomaali galbeed ee ay xabashidu gumaysato.

wariye  cawil cali deegaanka feerfeer

 

 

waad ku mahad santahay booqashada webka ilays.com //<:. <>Thank you for taking your time our website/ilays.com
lagala soo xiriira// ilaysnews@gmail.com

Bookmark and Share

to me :