asmaul-husna
google
Mohamed_Abdullahi_Farmajo_(cropped)

mawliid

Home » somali news »

ceeb waa u waynay wariye cawil barnaamijyada uu sii daayo

Awil_Dahir_SaladWaxaa jira kumaankum barnaamij oo ka baxa madiyaha soomaalida, barnaamijyadaas xoogooda waxaan isleeyahay waxaa soo diyaariya dad aan soomaali ahayn, waxaanse hubaa hubaa in barnaamijyada ka badaxa bbcda iyo voada ay yihiin kuwo aysan soomaali diyaarin, barnaamijka dood wadaag ee uu soo diyaariyo wariye cawil daahir ayaa ah barnaamijyo macna wayn ku fadhiya, doodaha uu qabto wariye cawin waxaa ay intooda badan ku saabsan yihiin xaqiiqada saxda ah ee ka jirta soomaaliya, waxaana uu wariye cawil farta ku fiiqaa meelaha saxda ah ee u baahan in laga hadlo, waxaa jira barnaamijyo  badan oo uu qabtay wariye cawil daahir oo hurdada ka kiciyey soomaali badan oo daawatay iyo kuwo maqlay, barnaamijyada dood wadaag ee uu soo diyaariyo wariye cawil ma ahan kuwa uu ku mucaaradayo dawlada soomaaliya, barnaamijyada cawil ma ahan kuwo uu qof ama qaabiil uu ku duraya, runtii wariye cawil hoos ahaan uma naqaano oo waa nin saxaafada ku cusub laakiin waxaan naqaan waxa uu ka hadlayo iyo waxa uu ula jeedo, aragtida aan ka qaadanay wariye cawil ayaa ah mid wanaagsan oo sare u qaadi doonta sumcadiisa saxafinimo, waxaa jiray dad badan oo saxaafada ku jira oo wax wanaagsan bulshada u soo bandhiga, horay kuwii aan halkaan ka amaanay waxaana ka mid wariye axmad xaaji cagma dhige iyo amiin caamir , kuwaa soo ah kuwo qibrad u leh saxafinimada kana  gaabsaday qurunka iyo qabyaalada dhextaala soomaalida, qofka wariyaha ah barnaamijyada uu bulshada soomaaliyeed u soo diyaarinayo waxaa khasab ah inay ka muuqato wadaniyada iyo cadaalada garsoorka, wariye cawil ma ahan inaan amaanay telefeshinka uu ka shaqeeyo ee univarsal, waxaan amaanay barnaamijyadiisa oo kaliya, talefishinka univarsal waxaa uu ku eedan yahay  u adeegida xabashida iyo cabdi eley iyo mucaaradida cid kasta wada horumarka soomaaliya, telefishinku univarsal waxaa uu ka mid noqday ganacsatada danbiilayaasha ah ee diidan dawlad ka dhalata soomaaliya, waxaa kale ee uu ku eedan yahay aflagaadadii uu kula kacay geesigii faarax macalin dawaaraa. ugu danbayn waxaan leenahay wariye cawil haka daalin inaad soo badhigto wax kasta oo wax ku ool ah, inkastoo qaarkood aad ku mutaysatay xabsi.

by xaashi

waad ku mahad santahay booqashada webka ilays.com //<:. <>Thank you for taking your time our website/ilays.com
lagala soo xiriira// ilaysnews@gmail.com

Bookmark and Share

to me :