asmaul-husna
google
Mohamed_Abdullahi_Farmajo_(cropped)

mawliid

Home » somali news »

danbiilihii waa la qabtay yaase cadaalada marin?

danbiile kufsiWaxaa magaalada kismayo lagu qabtay nin danbiile ah oo dhibaatooyin foolxun puntland ugu soo gaystay haweeney dhalinyaro ahayd oo ku sugnayd magaalada boosaaso, danbiilaha ayaa magaciisa lagu sheegay c/rizaq warsame axmad, waxaana uu ka tirsanaa ciidamada maamulka punland, ninkaan ayaa markii uu falka gaystay u soo baxsaday magaalada kismayo, ninkii danbiilaha ahaa waxaa maantay laga dhoofiyey magaalada kismayo  asaga oo xiray dhar qurxoon oo dhoola cadaynaya, waxaana loo gacan galiyey maamulkii puntland ee uu horay uga soo baxsaday, waxaa iswaydiin  ninkaan mala marin doona xukun cadaalad ah oo waafaqsan shariicada islaamka ama midka madniga ah, hadiise la xukumo yaa fulinaya xukunkiisa, xadgudubyada lagula kaco haweenka ku nool soomaaliya aad ayey u badan tahay, mana jirto cid wax ka qabata, dhaqamada soomaalida leedahay ayaa ah in hadii haweeney lagu xadgudbo xeerhoosaad lagu dhameeyo, falka uu danbiile c/rizaq kula kacay haweeneydaan ayaa ahaa mid lumiyey mustaqbalkii iyo nolosheeda aduunyo, ma filayo suurta galna ma ahan in danbiile c/rizaq la amriyo ciqaab u dhiganta tii uu u gaysatay haweeneyda, wax walba oo loo qaadi lahaa xagga cadaalada waxaa hortaagan qabyaalad iyo arimo qoys, soomaaliya gees ilaa ka gees waa ka jirtaa waxyeelada loo gaysanayo haweenka , inata badana waaba laba dilaa, hadii la doonana waa lakala iibsadaa hadii kalena  ciidamada amisom ayaaba looga badashaa sigaar iwm ah, haweenku qaymo iyo xurmo kuma lahan gudaha wadanka  soomaaliya.

wariye  maxamad cali muqdisho

waad ku mahad santahay booqashada webka ilays.com //<:. <>Thank you for taking your time our website/ilays.com
lagala soo xiriira// ilaysnews@gmail.com

Bookmark and Share

to me :