asmaul-husna
google
Mohamed_Abdullahi_Farmajo_(cropped)

mawliid

Home » somali news »

dekadaha iyo garoomada soomaaliya ma qaranbaa leh mise qoysas

garoon iyo dekad qabiilWaxaa si wayn ay soomaalidu isugu qasaysaa waxa ay khaaska u lee yihiin iyo waxa lala lee yahay, waxaa jira wax badan oo ka dhaxeeya umada soomaaliyeed ayaad mooda in shaqsiyaad ama dad hab qabiil u abaabulan ay ku takri faleen, , ha dii aan qeexno waxyaabaha ka dhexeeya umada soomaaliyeed waxaa ka mid ah dhulka iyo cidka iyo badda, waxaana wixii laga samaynayo go,aan ka gaari kara dawlad ka dhaxaysa dadka soomaaliyeed, waxaa dhacday in qabiilooyinkii deganaa degaamada ay ku yaaleen dekada iyo garoomo diyaaradeed inay u qaateen in beeshoodu leedahay, waxaana ay dekadihii iyo garoomadii ka sameeyey wixii ay doonaan, beelahaasu waxaa ay meesha ka saareen in dekadaha iyo garoomada ay soomaali wadala leedahay, garoomadii diyaaradaha waxaa loo wada bixiyey shaqsiyaad ka soo wada jeeda beelaha ubadan degaankaas, 4ta dekadood ee dalka soomaaliya u waawayn oo kala ah dekada berbera iyo dekada boosaaso iyo dekada muqdisho iyodekada  kismayo waxaa gacanta ku haya dad u badan hal qabiil , waxaana talada dekadaas ay ka go,daa qabiilada ay dekadu ku dhextaalo, qabiilooyinka kale ee soomaaliyeed waxaa ay dekada marti ugu yihiin beesha gacanta ku haysa, 27kiisano ee la soo dhaafay dekadaha soomaaliya waxaa manaafacad sanayey beelaha gacanta ku haya, beelahaasu waxaa ay is lahaysiiyeen lahaanshaha dekada iyo garoonka diyaaradaha ku yaala deegaan keeda,, umana ogola dawlad iyo dad aan ayaga ahayn inay isticmaalaan, hadaba waxa markale dhacday in beelihii gacanta ku hayey dekadaha ayey  umado shisheeye u gacangalieendekadihii  , ayadoo ay waliba joogto dawladii iyo dadkii soomaaliyeed ee wax ka lahaa dekadahaas,  waliba shaqsiyaad horboodaya qabiilada dekada haysata ayaa ku doodaya in mudo 30 sano ah ay dekadayda gacanta iigu hayn doonaan dawlado shisheeye, mid ka mid horjoogaaya beelaha is lahaysiiyey ayaa sheegay in dekadayda cidii soo hadal qada aan u aqoonsanayo cadow , si kastaba ha noqotee caqli xumada ka muuqata soomaalida waxaa ay ka dhalatay dawlad la,aantii mudada dheer dalka soomaaliya ka jirtay, waxaa hada aad u adag sidii umada soomaaliyeed looga dhaadhcin lahaa waxa ay lee yihiin iyo waxa lala lee yahay,  hadaba qofka soomaali ahi muxuu khaas dalka ugu lee yahay?qofka soomaliga ahi waxaa uu gooni u lee yahay ayaa ah gurigiisa iyo beertiisa iyo naagtiisa iyo gaarigiisa iwm, inta kale  waxaa lala eh  dhamaan umada soomaaliyeed, waxaana maamulaya dawlada dhexe ee soomaaliya, ugu dabayntii dadku waxaa ay ku tageen boobkii iyo bililaqadii loo gaystay qarankii soomaaliya, dadka qaarkiisna waxaa ay aaminsan yihiin inaan qaranbae la arki doonin ee qofwalba waxa uu boobay ha xagsado taa soo doqonimo iyo mid aan dhacayn ah, soomaalidu ha ogaato qogkii dhagx dahab ah dhulka ka hela in ay sooomaali oo dhan la leedahay. by xaashi

waad ku mahad santahay booqashada webka ilays.com //<:. <>Thank you for taking your time our website/ilays.com
lagala soo xiriira// ilaysnews@gmail.com

Bookmark and Share

to me :