asmaul-husna
google
Mohamed_Abdullahi_Farmajo_(cropped)

mawliid

Home » somali news »

dhacdadii qalbi dhagax loogu dhiibay xabashi yaa ku eedaysan ?

qalbi dhagax28kii august 2017 waxaa maamulka xabashida loo gacan galiyey mawaadin soomaaliyeed oo lagu magacabo C/Xakiin Sheekh Muuse (Qalbi Dhagax), markii uu warkaasu xaqiiqo noday waxaa soomaalida dhexdeeda ka bilow day buuq laab lakac ah oo ujeedooyin badan xambaarsanaa, ujeedada ay soomaalida qaarkeed ay uga doodayeen arimaha qalbi dhagax ma ahayn jacayl ay u qabeen qalbidhagax ee waxaa ay ahayd mid ay ku doonayeen inay ku majxaabiyaan  dawlada soomaaliya, shacab badan ayaa maskaxdooda lagu shubay in qabiilooyin ay ka danbeeyeen in qalbi dhagax xabashi loo gacan galiyo, isku soo wada duub laab lakaca soomaalidu waa hal todobaad ama 7 bari, wax kasta oo  xumaan ah oo lagula kaco umad soomaaliyeed ka hadalkeedo ma dhaafto 7 casho, soomaalidu ma lahan xusuus qor, waana kuwa wada moog dakanadooda, waxaan iswaydiinaynaa yaa qalbi dhagax xabashi u gacan galiyey ? hadii aan ka jawaabo suaashayda, wixii xabashi u gacangaliyey qalbi dhagax ma ahayn qof ama qoys ama qabiilo ama dawlad, amarka lagu dhiibay qalbi dhagax  waxaa uu ka soo baxay xarunta xalane,  xarunta xalane waa saldhig ka madax banaan dalka iyo dadka soomaaliyeed, xalane waxaa ay saldhig u tahay dhamaan cadawga umada soomaaliyeed, xarunta xalane waa meeha laga diiday inay dhaqaado dawlad kasta oo soomaaliya ka dhalata, xalane waa meesha horjooga yaasha dawlada soomaaliya looga soo diro ciidanka waardiyeeya, xarunta xalane waa meesha wax kasta oo la dilayo ama la qarxinayo laga soo abaabulo, qabashada C/Xakiin Sheekh Muuse (Qalbi Dhagax) waxaa laga soo abaabulay xarunta xalane, amarka xabshi loogu gacangaliyey waxaa uu ka soo baxay xarunta xalane, khubaro ay cadaawdoodu aad u xeeldheer tahay ayaa ku jira xaruna xalane ee magalada muqdisho, dad wayne badan oo aan war u ahayn wacyiga ka jira soomaaliya ayaa wali ku dhagay in qalbi dhagax  ay soomaali dhiibtay, shacabka soomaaliyeed waxaan u sheegayaa in dadka iyo dalka soomaaliya lagu soo duulay oo hadana la qabsaday, wararka xaqiiqada ah ee aan helayno ayaa sheegaya in horjoogayaasha argagixisada shabaab ay degan yihiin xarunta xalane dhexdeeda, si kastaba ha noqotee qalbi dhagax markii si loo fiiriyo waa shaqsi laakiin waxaa qalad ah in qof soomaali ah nooc walba oo uu yahay  xabashi ama dawlad kale loo gacan galiyo, waxaa kale oo ceeb ah qof walaalkaa ah oo hadana magantaa ah in cadow loo gacan galiyo, dhiibitaalkii qalbi dhagax dawlada soomaaliya wax lug ah kuma lahayn, dawlada soomaaliya ayada ayaaba gacan ku gabad ah, basaasiinta degan xalane ayaa qabtay qalbi dhagax una gudbiyey xabashi qalbi dhagax, cadowga ku xaraysan xalane waxaa uu laayahay u deegayaal aad u badan, ugu danbayn ehelada qalbi dhagax aha ogaadaan in qalbi dhagax oo kaliya uusan gacan cadow ku jirin, laakiin ay soomaali oo dhan ku jiraan gacan cadow oo aad u arxan daran.

by xaashi

waad ku mahad santahay booqashada webka ilays.com //<:. <>Thank you for taking your time our website/ilays.com
lagala soo xiriira// ilaysnews@gmail.com

Bookmark and Share

to me :