asmaul-husna
google
Mohamed_Abdullahi_Farmajo_(cropped)

mawliid

Home » somali news »

dilka iyo xariga dhalinyadu ma joogsanayo hadii ay san dumarku fahmin qurbaha

maxaa-qasaariyey-qoysaskii-tagay-qur-baha-e1507474872482Wadamada ay soomaalidu qoxootiga ku tahay ee qurbaha waxaa sii badanaya dhalinyarada soomaaliyeed ee la dilayo iyo kuwo la xirayo, bulshada soomaaliyeed ee qurbaha ku nool ayey  joogto u noqotay inay maalin walba soo xabaalaan cunug dhalinyaro ah oo la dilay, arintaasu waxaa ay xanuun badan ku keentay umada soomaaliyeed oo dhan, sidoo kale xabsiyada waxaa ku jira kumaankum dhalinyaro soomaali ah oo uu sidaas mustaqbalkoodii ku lumay, jaaliyadaha kale ee  ayaguna qoxootiga  ah ee ku nool qurbaha ma qabaan dhibaatadaan ku habsatay sooomaalida, waxaa soomaalida taas u dheer caruurtoodu ayaga oo aan dugsi sare dhamayn ayey isaga tagaan wax barashada, waxaa taas u dheer qoys burbur ku dhacay  soomaalida, waa yar yahay  qoys soomaali ah oo ay wad joogaan aabaha iyo hooyadu, dumarka soomaaliyeed waxaa ay u badan yihiin garoobo aan cidna ka amar qaadan, qoysaska wada joogana waxaa ay iskula joogaan si aan wanaagsanayn, hadaba hadii aan u dhaba galay dhibaatada ku habsatay qurbajoogta soomaaliyeed ayaan u gartay inay ka soo bilaabatay hooyooyinka soomaaliyeed, sida xaqiiqada ah qurbajoogta soomaaliyeed ma aysan fahmin  wacyiga ka jira qurbaha, khaasatab dumarka soomaaliyeed waxaa ay ku hafteen badwayn ayaga oo aan aqoon dabaal, qoysbur burka ku dhacay qurbajoogta waxaa sababteeda iska lahaa dumarka soomaaliyeed oo baal maray ma suuliyadii laga rabay, dumarka soomaaliyeed ee qurbaha ku nool ayaa ragii qabay ka dhigay mid ay xiraan iyo mid ay guriga ka cayriyaan iyo mid af lagaado kula jooga, dumarka soomaaliyeed ee ku nool qubaha waa diideen inay noqdaan hooyo marwo ah oo dhaqata reer keeda, magaalooyinka ay soomaalidu qurbaha ka dagan yihiin waxaad ku arkaysaa hooyooyin soomaaliyeed oo caruurahooda la dhooban maqaayadaha halkii ay ubadkeeda guriga wax ugu karsan lahayn, hooyooyinku kama warqabaan waxa uu ku sugan yahay cunu geedu, waxaa kaliya oo ay ka warqabaan waxa la soo galiyo facebooga iwm, hooyoonku ma  jiraan cid ay wax ka maqlayaan, hadii aad isu daydo inaad waaniso waxaa ay isla markiiba kuugu yeeraysaa boliceka,qaarkoodna waxaaba ay ku dhaceen balwad, dumar aad u yar oo soomali ah oo ku nool qurbaha ayaa fahmay qurbaha , ayuga waxaa ay ku dhagan yihiin nimankii qabay, waxaa waqtigaan qurbaha kusii badanaya haweenka soomaaliyeed ee qaribmaya waxaana ka garaynaa waxyaabaha ay youtubka iyo facebooga soo galinayaan, si kastaba ha noqotee waxaan umada soomaaliyeed ku waaninayaa inaysan waqtigaan qurbaha u soo dirin haweenkooda , maxaa yeelay waa ay habaabayaan, xataa  haweenayda aad qurbaha soo diraysaan  hadii ay tahay mid wanaagsan waxaa hafinaya kuwo badan oo qurbaha hoaray ugu qaribmay.

by xaashi

waad ku mahad santahay booqashada webka ilays.com //<:. <>Thank you for taking your time our website/ilays.com
lagala soo xiriira// ilaysnews@gmail.com

Bookmark and Share

to me :