asmaul-husna
google
Mohamed_Abdullahi_Farmajo_(cropped)

mawliid

Home » somali news »

diyaaradaha shisheeye yey kula daagaalayaan soomaa liya?

xasuuqa dirWaxaa meeshii usaraysay maraysa duqaymaha ay shacabka soomaaliyeed u gaysanayaan diyaaradaha shisheeye, diyaaradaha ayaa marwalba gantaalo aan loo meel dayin ku guraaca goobo ay degan yihiin dad shacab ahi, dad badan oo shacab ah ayaa weerarada cirka ka socda ku waayey naftoodii iyo maakoodii iyo awlaadoodii iyo eheladoodii, dawladaha shisheeye ee iska leh diyaaradaha  rushaynaya soomaaliya ayaa mar walba oo ay meel duqeeyaan sheega inay gantaal la heleen kooxaha argagixisada ah ee ku sugan soomaliya, kooxahaan argagixisada ah waxaa gabaad u ah shacab ka, argagixisadu ma ahan kuwo meel gooni ah degan, waxaa ay dhexdegan yihiin goobaha ay ku sugan yihiin shacabku, markasta oo duqan lala eegto kooxahaan waxaa la dhinaya boqolaal shacab ah oo isugu jira caruur iyo waayeel iyo haween, koxahaan argagixisada ah ee ku sugan soomaaliya ma ahan kuwo sidaas u badan waxaana soomaaliya oo dhan ka si fayn kara 200 oo askari, waxaa aad loo la yaaban yahay waxa hor taagan in ciidamo lug ah loo diro tuulooyinka ay ku gabanayaan bahalada dhiigyacabka ah ee argagixisada ah, waxaa wax laga xumaado ah in shacabkii soomaaliyeed ay hoostana ka laayaan argagixisadu dushana ay ka laynayaan diyaarado, dawladaha shisheeye ayaa u muuqda kuwo u soo shaqo tagay inay xasuuqaan shacabka soomaaliyeed, dawladahaasu dhab kama ahan inay la dagaalamaan kooxaha argagixisada ah, waxaa ay doonayaan oo kaliya inay shacabka soomaaliyeed ka barakiciyaan dalkooda hooyo, wararka naga soo gaaraya soomaaliya ayaa sheegaya in shacab aad u fara badan ay ka barakaceen degaamadoodii sababo diyaaraha duqaymaha ku wada ah, si kastaba ha noqotee waxaan cambaaraynaynaa falka ay diyaaradaha shesheeye ku qarxinayaan shacabka soomaaliyeed, ugu danbayntii dawladaha shisheeye ee iska leh diyaaradaha waxaan u sheegaynaa inay dalkeena noo daayaan hadii ayasan sidii aan rabno wax noola qabanaynin, halna waa inay tirada ku darsadaan in lagula xisaabtami doono dadka shacabka ee ay laayeen diyaaradoodu.

diyaarado shisheeye

by xaashi

 

 

waad ku mahad santahay booqashada webka ilays.com //<:. <>Thank you for taking your time our website/ilays.com
lagala soo xiriira// ilaysnews@gmail.com

Bookmark and Share

to me :