asmaul-husna
google
Mohamed_Abdullahi_Farmajo_(cropped)

mawliid

Home » somali news »

Hambalyo dhalashada nabi muxamad csw

mawliidka nabiga cswDhamaan dunida muslimka waxaa looga dabaal degayaa dhalashadii nabigeena muxamad csw, nabi muxamad csw waxaa uu ahaa kii dunida ugu khayr badanaa waxaana uu ku dhashay magaalada makka maalin isniin ah  bishii 12kii rabiul awal sanadkii asxaabul fiil, dhalashada nabiga csw ayaa laga xusay meelkasta oo ay muslimiintu dunida ka joogaan, 12ka rabicul awal waa maalin khayr qabta oo ku wayn muslimiinta oo waxaa dhashay adoonkii dunida ugu khayr badanaa csw, nabiyullahi muxamad  csw  waxaa uu dhashay maalin isniin ah waxaa uuna dhintay maalin isniin ah, maalin kasta oo isniin ah waa soomi jiray nabigeena csw taasoo uu ku waynaynayo dhalashadiisa, nabiyulaahi muxamad  csw waxaa uu ahaa rasuulkii u danbeeyey ee ilaahay u soo diro aduunka, waxaana uu dunida u ahaa  raxmad uu ilaahay u soo diray, waxaana uu dunida la yimid diinta islaamka oo ah mid xaq ah, waxaana uu dunida uga tagay kitaab quraan ah oo ilaahay xagiis looga soo dhiibay iyo axaadiis fara badan oo waafaqsan kitaabka, kitaabkaas quraanka ayaa ah mid uu ilaahay balan ku qaaday inuu ilaalin doono ilaa maalin qiyaamaha, mana jina jirto cid kitaabka quraanka wax ku dari karta ama wax ka tiri karta. nabu muxamad csw waxaa uu ku xabaalan yahay magaalada madiinatu munawara, hadaba qof kasta oo muslim ah waxaa looga baahan yahay inuu wayneeyo dhalashada nabigeena muxamad csw, marlabaad waxaan leenahay hambalyo dhalashada nabigeena muxamad csw, dhamaan muslimiintii u istaagtay waynaynta dhalashada nabi muxamad csw ilaahay waxaan lee nahay danbigooda allaha dhaafo.

by xaashi

waad ku mahad santahay booqashada webka ilays.com //<:. <>Thank you for taking your time our website/ilays.com
lagala soo xiriira// ilaysnews@gmail.com

Bookmark and Share

to me :