asmaul-husna
google
Mohamed_Abdullahi_Farmajo_(cropped)

mawliid

Home » somali news »

hantida la kala haysto waxa ay fure u tahay is fahanka soomaalida

hantida la kala haystoWaxaa laga yaabaa in dad badan oo soomaali ah ay la yabaan makii ay arkaan qof ka sheekaynaya midnimada umada soomaaliyeed ,dad aad u badan oo soomaali ah waxaa caqligooda iyo qalbigooda ka buuxsamay  xumaan iyo qabyaalad, waxaana ay marwalba ka hadlaan waxyaabo umada sii kala fogaynaya, dadkaasi waxaa ay taageersan yihiin wixii shar ah oo ka dhaca soomaaliya,  wax kasta oo wanaag ah oo ka soo if baxa soomaaliya waxaa ay u gadinayaan dhankiisa xun, hadaba dadkaasu maxay yihiin ? dadkaas aan kor ku soo sheegnay ma ahan kuwo jecel inay soomaaliya waligeed ay nabadi ka dhacdo, dadkaasu waa dad haysta hanti xaaraan ah oo aysan lahayn.

Wadanka soomaaliya waxaa lagu kala haystaa hanti aad u badan, waxaa jira qof gurigiisii uu lahaa hab qabiil looga haysto qofkii ka dhacayna uusan u garaabayn, waxaa jira dad beerahoodii ay dad kale xoog ku falanayaan, waxaa jira dad dad kiisii xoog looga haysto oo loo diidan yahay in la siiyo, waxaa jira hanti badan oo muuqata oo la isu diiday in la isu celiyo, mar walba oo la damco in dadka la isu loo dhaweeyo oo hantida laka haysto la isu celiyo waxaa jira dad aan ogolayn oo basiin ku sii shubaya arimaha murugsan ee dhexyaala shacabka soomaaliyeed, marar badan oo aan isku dayey inaan wax ka ogaado waxa ay ku kala maqan yihiin bulshada soomaaliyeed , waxaan la sheekaystay dad aad u badab, dhamaantood waxaa ay ii sheegeen in hantodoodii laga haysto, qaarkood waxaa ay kuu sheegayaan in dadkoodii lalaayey, laakiin arinta u badan ee ay soomaalidu isku aamini l,adahay ayaa ah hantida la kala haysto,waana mida keentay inaysan wali soomaalidu si fiican isu dhexgalin, tafaraaruqa iyo kala taga soomaalida waxaa ka faaiidaystay cadowgii umada soomaaliyeed, waxaa hada soomaalidu ayaga jifo jifo ah farta ugu yeera maamulka xabashida oo ah cadaw soo jireen ah oo ay soomaalidu waligeed lahayd, hadaba makii aan baarnay waxa wax kala haysta ayaan ku soo ogaanay inay yihiin shaqsiyaad, tuuga wax haysta ayaa ku gabanaya magaca qabiilka, ninkii wax laga haystayna ma awoodo inuu kaligiis wax qaato tuuga, baaritaan badan oo aan sameeyey ayaa ku soo ogaaday in qabiilada soomaalidu aysan raali ka ahayn in dadka waxooda xoog iyo xeel midna looga haysto, laakiin waxaa qabiilooyinka dhexdooda ka buuxa tuugo aad u badan oo kobocday 27kiisano ee la soo dhaafay, waxaa jira dad aad u badan oo qaarkood ay joogaan qurbaha oo qayb ka ah tuugada kaysata hantida xaaraanta ee ay horay u boobeen,  si kastaba ha noqotee hantida muuqata ee la kala haysto waxaa ay quful  u tahay inaysan soomaalidu is fahmin, ugu danbayntii umada soomaaliyeed waxaan kula talin lahaa in laga shaqeeyo sidii la isugu celin lahaa hantida la kala haysto hadii ay noqon lahayd mid muuqata iyo mid aan muuqan.

by xaashi

waad ku mahad santahay booqashada webka ilays.com //<:. <>Thank you for taking your time our website/ilays.com
lagala soo xiriira// ilaysnews@gmail.com

Bookmark and Share

to me :