asmaul-husna
google
Mohamed_Abdullahi_Farmajo_(cropped)

mawliid

Home » somali news »

jaahil wax kula leh aqoon yahan cadow ah ayaa kuu dhaama

aqoon iyo jahliAqoontu waa nolol iyo  nabad lagu gaaro guri bawaaqo ah, aqoontu waa caafimaad waxaana ay dishaa cudurada, aqoonta waxaa ay difaacdaa dalka iyo dadka, aqoonta waxaa ku naaxa noolaha dhamaan tiis, halka uu jahligu yahay cudur laaya noolaha dhamaantiis, qofka jaahilka ahi geeri maahane nolol malahan, qofka jaahilka ahi xoog mahane xal ma lahan, jaahilku ma noolaankaro in lala noolaadanada ma ogola, jaahilku  ma arko waxa soo socda laakiin wuxuu arkaa  waxa markaas taagn , qofka jaa hilka ahi waa caruur cudud leh, hadaba hadii alla wax kuugu daro qof jaahil ah sideed noqonaysaa ? xalku waa inuu ku dilo ama aad u dayso, qof aqoon leh oo cadow ah hadii wax idin dhex maraan  waxaa khasab ah inaan kala baxaysaan , maxaa yeelay waa qof ay maskaxdiisu furfuran tahay, halka qofka jahilka ahi ay maskaxdiisu  xiran tahay, hadaba waa maxay cimiga iyo aqoonta looga baahan yahay in looga hor tago jaahil nimada, cilmigaasu waa midka diiniga ah iyo midka maadiga ah, cilmi maahan inaad ku hadasho afaf shisheeye , cilmigi waa inaad barato sida ay dunidu u shaqaysho iyo sida loog shaqaysto iyo sida aadanuhu u dhaqmo, waa inaad taqaan waxa kaa horeeya iyo waxa kaa danbeeya, waa inad taqaanaa meesha lagaajiro iyo inta uu cadowgaagu kuu jiro , waa inaa taqaanaa waxa aad haysato iyo waxa kaamaqan, waa inaad kala taqaanaa faaiidada iyo qasaaraha,waa inaad xal u heshaa hadii xaajo meel kaaga dhagto, cilmigu waa inuu ku tusaa markii aad dhimato waxa kaa horeeya, cilmigu waa inuu fure kuugu noqdaa albaabada dunida iyo midka aakhiro, cilmi maahan inaad gashato dhar qurux badan ama aad samaysato shahaadooyin been abuur ah, ama aad isu ekayso wax aadan ahayn, cilmigu waa wax ku jira maskaxda, si kastaba ha noqotee waxaa wax ilaahay laga magan galo ah in qof jaahil ah ay wax idin ka dhexeeyaan, ugu danbayntii dhibaatada taala dalka soomaaliya waxaa xudun u ah jaahilnimo, waxaana daawo u ah in la helo aqoon lagula diriro jaahilnimada.

by xaashi

waad ku mahad santahay booqashada webka ilays.com //<:. <>Thank you for taking your time our website/ilays.com
lagala soo xiriira// ilaysnews@gmail.com

Bookmark and Share

to me :